SHAQADII DEKEDA BERBERA OO TODOBAADKII UDANBEEYAY TAAGAN, GANACSATADII OO DIIDAY INAY CASHUURTAAN BADEECADOHOODA, DKHLIGII KASTAMKA BERBERA OO HOOS UDHACAY + DP WORLD OO MAAMULKII DEKEDA BERBERA KU FASHILANTAY

0
254

Berbera( Ceelgardinews.com )-Wasiirada Maaliyada. Ganacsiga Iyo Arimaha Debeda Somaliland ayaa maalmihii udanbeeyay Berbera ujooga Xal uhelida dhibaato laxaadle oo soo foodsaartay guud ahaan qaranka Somaliland gaar ahaan Ganacsatada kala duwan ee dekeda berbera badeecadaha kala soo daga oo labadii wiig ee udanbeeyay raadina cid badeecadohooda Dekeda uga soo saartay kadib markii la waayay qalabka waxna roga waxna rara ee wiishashka iyo Foogliifyada ubadan,

Sidoo kale waxa ia dhimay dakhli maalmeedkii Kastamaka Berbera ka soo xeroon jiray oo l;abadii wiiga ee udanbeeyay hoos udhac weyni kuyimi kadib markii la waayay ganacsato badeecadohooda cashuurta.

shirakada DP World ee maamulka Dekeda Berbera Xukumada Siilanyo ka kireysay ayaan ilaa hada wax qabad muuqda oo lataaban karo aan ka qabanin dekeda Berbera waxaana wada fadhiistay oo shaqadii joojiyay guud ahaan qalabkii badeecdaha kala duwan gaadiidka bada ka rogi jiray ee isugu jiray wiishashka Kalmarada iyo liftarada koonteenarada rara.

Waxyaabaha la yaabka leh ee Dekeda Berbera ka dhacay mudadii koobnayd ee shirkada DP World la wareegtay ayaa waxa kamida maraakiibtii badeecadaha mudada 7da maalmooda lagaga rogi jiray oo mudo laba bilooda taagan oo la layahay wax ka roga badeecadihii saarnaa ee ay dalka Debediisa ka keeneen.

Waxa kaloo wax lala yaabo ah inay ilaa hada Dekeda berbera iyo badaba taagan yihiin Maraakiibtii bishii ramadaan yimi oo ilaa hada aan rarkii laga rogin Wakiiladii maraakiibta iyo ganacsatadii badeecadaha lahayd oo dekeda meehanaabaya cid ay dacwoodana garan la.

Wasiirada maaliyada Samsam Cabdi Aadan Ganacsiga Cumar Shuceyb Maxamed Iyo Arimaha debeda Dr Sacad Cali Shire ayaa sababta keentay berbera lagu sheegay dakhligii dawlada ee bishan lagu bixin lahaa Mushaharaadka Ciidamada iyo shaqaalaha dawlada oo aan soo xeroonin kadib markii ganacsatada Dekeda Berbera badeecadaha kala soo dagaa joojiyeen inay badeecadohooda cashuurtaan iyaga oo ba maagay inaanay jirin qalab urara badeecadohooda koonteenarada ku jira iyo kuwii hore ay ucashuurteen oo ilaa hada Dekeda yaala.

Shirkada DP World ayaa umuuqata mid ku fashilantay maamuulka iyo maareynta Dekeda Berbera iyada oo aan ilaa hada wax qalaba keenin iyo dekedii oo buuxda lana layahay wax badeecadihii ka rara iyo maraakiibtii oo dekeda iyo badaba taagan cid wax ka rogtana layahay kadib markii qalabkii hore dawlada Somaliland ugu wareejisay shirkada DP World wada fadhiisteen markii la daryeeli waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here