SALEEBAAN GAAL OO QABYAALADDI LAGU XAMANJIRAY ISKU CADEEYEY MARKII UU MAANTA SHEEGAY INAANU SOO DHEXGALI DOONIN KHILAAFKA UCID

0
318

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Guddoomiyaha golah Guurtida Saleebaan Gaal  ayaa galinkii hore ee maanta sheegay in aanu soo dhexgali doonin khilaafka ka dhex aloosan xisbiga Ucid .Guddoomiyaha Guurtida oo wariyeyaashu xafiiskiisa ku weydiiyeen sababta uu  dhexdhexaadin uga galay khilaafkii xisbiga Kulmiye ee uu uga gaabsaday ka Ucid ayaa ku jawaabay in aanu gali doonin arinta Ucid.

Saleebaan Gaal ayaa sidoo kale aan isku dayin inuu dhexdhexaadiyo labadii garab ee sanadkii 2011/2012 isku haystay xisbigii Udub,khilaafkaas oo keenay inuu xisbigii Udub baaba’o oo uu saaxadda ka baxo.

Wariyeyaasha ayaa mar ay guddoomiye Saleebaan weydiiyeen miyaan mawqifkiisan loo arki kareyn mid munaafaqad(double standard) iyo qabyaalad xambaarsan ,waxa uu ku jawaabay”anigu ma galayo khilaafka