WASIIR KA TIRSAN DAWLADDA MASAR OO MARKII U HORREYSAY SOO CAGO-DHIGTAY CIID UU KA BABANAYO CALAN SOMALILAND AHI

0
325

Hargeysa (Ceelgardinews.com)- Wefti heerkiisu sarreeyo oo ka socday dawladda Masar, ayaa galabnimadii shalay  soo gaadhay magaaladda Hargeysa ee caasimadda Somaliland. Weftigan oo ka kooban 12 xubnood, waxa  Hoggaaminaya  Wasiirka Masar u qaabilsan Afrika. Mr. Idiris Mohamed, waxaana masuuliyiin sar sare oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ay ku soo dhaweeyeen  madaarka caalamiga ah ee Cigaal. Weftigan Masaarida waxa kale oo xubno ka ah danjireyaasha dalkaas u fadhiya Jabuuti, Kenya iyo dublamaasiyiin ka socday wasaaradda Arrimaha dibadda. Ku-xigeenka danjiraha Masar u fadhiya Jabuuti Haydaam Omar, ayaa sheegay  in socdaalkooda Somaliland uu la xidhiidho sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka iyo wax- wada qabsiga labada dhinac, sida ay faafisay BBC-du. Weftigani inta ay ku gudo jiraan booqashadooda Somaliland, waxay kulamo la yeelan doonaan Wasiirro, saraakiil ka tirsan xukuumadda iyo Madaxweynaha Somaliland oo ay kulan la yeelan doonaan gunaanadka booqashadooda. Waa Markii ugu horeysay ee wefti heer Wasiir gaadh siisan oo ka socda Dawladda Masar, uu booqasho ku yimaado Hargeysa, tan iyo markii ay Somaliland ka go’day dalkii hore la iskugu odhan jiray Soomaaliya, Bishii May sannadkii 1991-kii.  Booqashadan ayaa ku soo beegantay, ka dib markii 31-kii Bishii March ay dawladaha Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen heshiis ku wajahan sidii ay Itoobiya u isticmaali lahaayeen marsadda Berbera. heshiiskan oo la filayo inuu labada dalba waxtar dhaqaale iyo mid bulsheedba u yeesho .