Alshabaab Oo La Wareegay Deegaan Ka Tirsan Gobalka Sanaag

0
617
Cerigaabo(CN)Xarakada Al-shabaab ayaa shalay galab la wareegay deegaanka Guryo samo (Xabaasha Wacle) oo ka tirsan degmada Laasqoray ee gobolka Sanaag.
Horjoogayaasha kooxda oo ilaa hadda ku sugan deegaanka ayaa meel fagaare ah kala hadlay dadweynaha iyagoo u sheegay in ay ammaanka sugayaan.
Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in si dhuumaalaysi ah ay hore ugu sugnaayeen Buuralay aan ka fogayn halka ay la wareegeen.
Weli ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Puntland iyo Somaliland oo labaduba sheega in ay maamulaan Degmada laas-qoray.
Source Hassan Gallaydh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here