Golaha Wasiirrada Somaliya oo Kulankoodii Ugu Horreeyay Yeeshay

0
383

Muqdisho(CN)Ra’iisal Wasaare Maxamed Xusseen Rooble oo shir guddoomiyay kulankii ugu horreeyay ee Golaha Xukuumadda ayaa Wasiirrada cusub faray in ay degdeg xilalkooda ula wareegaan si loo guda-galo howlaha shaqo ee hor yaala.

Kulanka ayaan dhacay wax yar uun kaddib markii ay Xukuumaddu codka kalsoonida ka heshay Golaha Shacabka oo maanta la horgeeyay.

Wasiirro kooban ayaa lagu waddaa in ay xilalkooda la wareegaan madaama Wasaarrado dhowr ah dib loogu magacaabay Wasiirradii  horey u sii hayay.

Shaqada ugu culus ee Xukuumaddan lagu waddo in ay qabato ayaa ah dardargalinta habsami u socodka nidaamka doorasho ee lagu heshiiyay iyaga oo ugu horeyn soo magacaabi doona guddiyadii arintaa ka shaqeyn lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here