Aqoonyahan Abdi Dakir oo si qoto dheer uga hadlay isku shaandhayntii ugu dambaysey ee uu sameeyo madaxweynaha somaliland.

0
304

Mudane Abdi Daakir oo ah aqoonyahan ku takhasusey cilmiga dhaqaalaha ayaa ka hadlay isku shaandhayntii u danbeysey ee madaxweynaha qaranku sameeyo ,isagoo arrimahaas ka hadlaya wuxuu yidhi “ Madaxweynuhu wuu ku mahadsan yahay gudashada xilkiisa qaran magacaabistiisu waxay ku saleysneyd saami-qeybsi beeleed beel kasta oo Somaliland deganna wuxu siiyey dhowr kursi 47 Masuul ee uu magacaabey , waxaan’se isweydiiyey tallow Bulshada gabooye miyeyna muwaadiniin dalka xaq iyo xuquuq ku leh aheyn ? maxaa ka xaaraantinimeeyey beeshaa dhan inuu qabto Qallinka madaxweynaha mise iyagu kuma jiraan kuwa uu u dhaartay oo ahayd “WAXAAN ILAAHAY UGU DHAARTAY IN AAN U NOQONAYO DAACAD DIINTA ISLAAMKA, DALKAYGA SOMALILAND, DADKIISANA KU MAAMULAYO SINNAAN IYO CADDAALAD INTA AAN XILKA HAYO”? , isla markaasina ay dhaartaasi meesha ka baxdey , kana fogtahay cadaalada iyo in umadda la isku illaaliyo lana dhowro sinaanta , waxaa kale oo uu sheegey in beesha intaa leeg ee leh aqoonyanada iyo waxgaradkaba ay ku tahay faquuq iyo xurmo la’aan ay ku hayso xukuumadu.
a d
Isagoo waraysigaa kaga Hadley dhinacyo badan oo khuseeya halka uu hada marayo dalku ayaa usoo jeediyay madaxweyanaha qaranka inuu bulshada gabooye xaqooda siyaasiga ah ee ay dalka ku leeyihiin siiyo gaar ahaan ta gacantiisa ku jirta oo qalinkisu qabto aqoonyahanada bulshadaasi leedahay iyadoo sharaf ay u tahay qaranka xil qabashadoodu somalilandna ku iib galayso.

Waraysigaa oo faahfaahsan fillo dhawaan hadii Alle idmo

Aqoonyahan Abdi Dakir
United Kindom