MAXAA SABABAY INAY SUUQYADA USOO BAXDO SIRTA MADAXTOOYADDU IYO IN LA OGGAADO HAWLAHA GACANTA UGU JIRA MADAXWEYNAHA+ YAA FAAFIYA SIRTA MADAXTOOYADDA?. WARIYE CABDIASIIS BASHIIR NUUR.

0
300
Iyadoo ay ahayd Habeenkii Xalay saacadihii danbe Markii uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Siilaanyo seefta la dhex qaaday golaha Xukuumadiisa, isla markaana Xilalkii ka qaaday Wasiiraddii ugu Miisanka Cuslaa, Maareeyayaal, agaasimayaal Guud iyo Masuuliyiin kaloo kamid ahaa madaxda Hay”aha Dawladda, ayaa waxa intii aanu Warka Isku dhaandhey tu soo dhaafin aqalka Madaxtooyada, waxa Bulsho weynta Somaliland inteeda u dhuundaloosha Siyaasaddu ay Merfishyadda iyo goobaha lagu kulmo ee bulshada caadiga ah ku hadal hayeen Warka  Isku dhaandheynta Xukuumadda.
Waxanay dadku sii wada hayeen magacyada Masuuliyiinta Xilalka laga caydhiyey iyo sidoo kale Shaqsiyaadka la isku bedelay iyo weliba ku ku cusub saxafada Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Masuuliyiinta Seeftu qaaday ee Magacyadooda Bulshada dhex wareegayey intuu aanay soo bixin Warqada isku shaandheyntu waxa kamid ah shaqo ka caydhinta Taliyihii Ciidanka qaranka Ismaacil shaqale iyo Bedellaad Taliyah Cusub ee Ciidamada Md. Nuux taani, waxa kaloo kamid ahaa Xubnaha Bulshada ka war haysay Xilka qaadistiisa wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Md. Cali Maxamed Waran cadde, kaasoo dadka shaki kaga jiray in la bedelay iyo in la eryey, waxa kaloo xubnaha seeftu qaaday ee bulshaddu sii ogeyd intaanu warka Isku dhaandheyntu soo bixin kamid ahaa Maareeyihii hore ee Dekedda Berbera oo Cali Xoor xoor oo isagga Warkiisu ahaa in la eryey.
Sidoo kale Bulshadu waxay ka sii war haysay Isku dhaandheyntii habeen hore inay tahay mid balaadhan oo dhinac walba saameysay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo.
Haddaba, maxaa sababay in Sirtaa Madaxtooyadda Bulshadda oo dhami sii oggaato?. Jawaabta Su”aashaasi hadaan isku dayo waxay ay tahay nasiib darro tii u weynayd hadii Sirtaa Madaxtooyaddu dibeda usoo baxdo ka hor xiliga loogu talo galay mooyee, maadaama oo Madaxtooyadda dalku tahay Sir hayaha qaranka Somaliland, kaasoo ay tahay inaan arrimaha ka socda si dhib yar loo oggaan. Waxa kaloo Nasiib darro iyana ah,
Xilka qaadis ballaadhan oo saameysay qaybaha Xukuumadda ee Kala Duwan sida Ciidamada qaranka iyo wasaaradda arrimaha gudaha oo ah Hay”addo xaasaasi ah in Masuuliyiinta Joogtaa sii oggaadan Xilka qaadistooda, waxa dhici kartaa Mararka qaarkood inuu Masuuliyiintaasi bixin karaan amarro khaldan oo amniga khalkhal gelin karaa.
Yaa faafiyey Warkaa Sirta ah ee Madaxweynuhu gacanta ku hayey, kolay cidda Warkaa suuqa usoo saartay ee fagaarayaasha dadweynuhu joogan soo gaadhsiisay, waa Cid xeedhada Gunteeda Og oo kamid ah Shaqsiyaadka ka hawlgala aqalka Madaxtooyadda, hadday tahay gacan yarayaal iyo haday tahay masuuliyiin xilal sare ka hayaa qaranka, waxana Madaxweynaha qaranka Somaliland Axmed Siilaanyo iyo Masuuliyiinta kale ee shaqadan sugodeeda leh la gudboon inay arrintaa baadhis xeel dheer ku sameeyan oo cida warkan sii faafisay laga daba tago, maadaama oo qarankana ay Sirtiisa ciddaasi si dhib yar u faafin karto.
Sirta Madaxtooyaddu waa Sirtaa Qaranka Jamhuuriyadd Somaliland, waxanay xukuumadihii hore ahaayeen kuwo ay adag tahay in la oggaado dhaqdhaqaqyada ka socda, halka dhaliilaha Xukuumadda siilaanyo loo jeediyo ay ku jirto in dhaqdhaqaaq kasta oo ka socda Madaxtooyadda uu durtadiiba usoo baxo dibeda oo lagaga sheekeysto Suuqa, hadii Madaxweynuhu Cid kula kulmay, hadii Madaxweynuhuu xaaladda Siyaasadeed lasoo deristay iyo hadii dhaqadhaqaaqyo kaleba ka socdaan.la soco Warbixino danbe oo Ka hadlaya dayacnaanta Sirta Madaxyooyadda.