Aqoonyahan Maxamed Haaruun oo Luuqad adag ku Fasiray Hal-xidhaale Siyaasadeed oo Ku socdaa Faysal Cali Waraabe..

0
330

Hargaysa (Ceelgardinews.com) aqoonyahan Maxamed Haaruun ayaa luuqad adag ku falan-qeeeyey khilaafka xisbiga Ucid waxanu yidhi “Siyaasadda Somaliland ka jirta, ee beelaysan, ee ‘belaysan’, ninka ku jira, ee aad isku haybta tihiinHargeysa(Xogreebnews)-aqoonyahan Maxamed Haaruun ayaa luuqad adag ku falan-qeeeyey khilaafka xisbiga Ucid waxanu yidhi “Siyaasadda Somaliland ka jirta, ee beelaysan, ee ‘belaysan’, ninka ku jira, ee aad isku haybta tihiin, waa uu ku matalaa. Haa, isaga ayaa ku matala, xataa hadii aanad doonaynin, oo aad si xoog ah uga soo hor jeedid fikirkiisa iyo waxa uu u taaganyahay oo dhan. Si kale hadii loo dhaho, waa aad ku tolantahay, waana siyaasiga reeerka uun, xataa hadii oo sida xoolaha oo kale arooro oo soo cabo. Sidaas darted, hadii aad siyaasi tahay, ha u qaadan in aad adiga uuni is matashid, ogow in aad dad magacooda ku joogto, ku hadlayso, waxa aad xumayso na, ay khasaaraheeda dad aanad xataa magacooda aqooni kula leeyihiin. Waa ay wacnaan lahayd, in la abuuro hay’ad nimanka siyaasadda ku shaqaysta u tirisa inta erey ee ay bishii ku hadli karaan, oo waliba inta aanay hadlin na, ka soo eegta waxa ay maalintaas odhanayaan. Rag badan baa baran lahaa dhaqaalaynta ama madhxinta hadalka, iyo waliba, tayaynta iyo xulashada ereyada. Hay’adaas wacan taloow ma la abuuri kara?