AWOODO QIIRAYSAN OO MUGDI GELIYEY WADA-SHAQAYNTII WARBAAHINTA & WADDANI KA DHAXAYSAY IYO AWOODO QARSOON OO MAROORSADAY XAFIISKII XISBIGAAS

0
320

Hargeysa (Ceelgardinews.com) – Khilaaf ba’an oo dibadda usoo baxay, ayaa soo kala dhexgalay warbaahinta madaxa bannaan iyo xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, kaas oo gaadhay heer warbaahintu si midaysan isugu raacday inaanay baahinin wararka xisbigu leeyahay.
Khilaafkan oo muddo soo huursanaa, ayaa dibadda usoo baxay, kadib markii uu dhawaan guddoomiye Cirro safar ku aaddaanaa waddanka Maraykanka oo uu dalka kaga baxayey warbaahintu go’aan ku gaadhaan inaanay baahin, taas

cirro1

bulshada oo dhami dareentay inay meesha ka baxday wada-shaqayntii xisbigaasi la lahaa warbaahinta oo aan markii horeba cago adag ku taagnayn. Guddoomiye Cirro ayaa markii uu madaarka Cigaal International Airport gaadhay agtiisa ka waayey wax war fidiyayaal ah, waxana intii aanu halkaas ka dhoofin uu isku dayey inuu warbaahinta u yeedho si ay bulshadu u ogaato inuu dalka ka baxay, balse waxa guuldarro ku dhammaaday isku dayo telefoonno loogu diray wariyayaal tiro badan oo ay hore wada-shaqayn dhaw u lahaayeen, waxana uu guddoomiyuhu ku khasbanaaday inuu dalka ka baxo isaga oo aan ka warramin ujeeddada safarkiisa. Ceebta iyo waji-gabaxa uu guddoomiye cirro kala kulmay warbaahinta, ayaa waxa isku dayey inuu hoos u dhigo afheenka xisbigaas Ibraahim Mahdi Buubaa, kaas oo isaga laftiisu ku guuldarraystay inuu wariyayaasha ku qanciyo inay baahiyaan xogta safarka guddoomiye Cirro.  Xogaha laga helayo khilaafka dibadda usoo baxay iyo ceebta dhegaha bulshada gaadhay ee la xidhiidha mucaaradadda ay warbaahintu ku diiday baahinta wararka xisbiga WADDANI, ayaa sheegaya in xoghayaha warfaafinta ee xisbigaas Md Cabdirashiid Xasan Mataan oo dhawaan xilkaas la wareegay uu kasoo horjeestay nidaam darro xafiiskaas ka jirta oo wiilal ay guddoomiyaha isku qoys yihiini majaraha u hayaan, taasina ay keentay in xubnaha uu xoghayuhu shaqadooda saluugay gooyaan xidhiidhii wada-shaqayneed ee kala dhexeeyey xoghaye Cabdirashiid Xasan Mataan. Khilaafka canjarafaynta xubnaha guddoomiye Cirro la qoyska ahi ku hayaan xoghaye Cabadirashiid Xasan Mataan, ayaa keentay in muddo shan iyo toban cisho ku siman la joojiyo lacagihii baahinta wararka xisbiga la xidhiidhay, taas oo sababtay inuu xoghayaha laftiisa arrintaas ka cadhoodo, isla-markaana uu cabashadeeda gaadhsiiyo guddoomiye Cirro oo aanu wax jawaab ah wali ka helin. Basar-xumada xubno xafiiska warbaahinta WADDANI masuul ka ah oo ay guddoomiye Cirro isku qoys yihiin, ayaa muddo dheer soo taxnayd, waxana xusid mudan in cabasho ka dhan ah xubnahan ay warbaahinta madaxa bannaani marar badan u gudbiyeen guddoomiye Cirro, taas oo biyo col dhaanshay noqotay, isla-markaana aan waxba laga qabanin. Sidoo kale waxa nidaam-darrada iyo musuqa ka jira xafiiska warbaahinta xisbiga WADDANI shaqadii kaga tegay, isla-markaana isku casilay xoghayihii warfaafinta ee xisbigaas Boobe Yuusuf Ducaale, kaas oo saluugay hab-dhaqanka kooxda xafiiskiisa uga hoosaysay oo awooddo xad-dhaaf ah oo ay ka ka haystaan guddoomiye Cirro inta badan muujiya.

 

Xigasho Hubaal.net

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here