War Deg Deg Ah .Laba Boyadood Oo Ah Kuw Biyaha Oo Duleedka Hargaysa Isku Galay Sababay Khasaare Dhimasho IYO Dhaawac

0
345

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Waxaa xalay saacaddu markay ahayd 3:00 Habeennimo Deegaanka Halleeyaa ee Bariga Magaalada Hargaysa  ka dhacay Shil baabuur kaas oo sababay Dhimasho iyo dhaawacba .

hal1 hal6

Shilkan ayaa waxaa uu ka dhashay ka dib markii laba gaadhii oo noocyadoodu ahaayeen Booyado ay isku dhaceen .

Ilaa hadda waxaa la xaqiijiyay Dhimashada Shan Ruux iyo Hal qof oo dhaawac ah .

Magacyada Dadka ku dhintay oo aanay noo suurtagalin in aanu helno ayaa waxaanu helnay Magaca mid ka mid  ah dadka ku dhintay oo lagu magacaabi jiray Xamse Xuseen C/laahi Baaruud .

Waddada uu shilkan uu ka dhacay ayaa waxaa loo yaqaana 30-ka  Kiilo Mitir ee wadka , maadaama waddadaasi ay tahay ta ugu shilka badan ee had iyo jeer ay gawaadhidu isku jiidhaan .

Sidoo kale xukuumadda ayaa gabtay doorkeedii , maadaama waddadaasi ay u baahantahay dib u habeen oo ay cidhiidhi ku tahay gaadiidka isticmaala waddadaasi .

 

Wixii warar ah ee ka soo kordhan shilkan waxaanu idinku soo gudbin doonaa wararkayaga soo socda , haddi ay tahay magacyada marxuumiinta iyo wixii faahfaahin ah ee kale ee soo baxa .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here