BAL KA WARRAN UMMAD DHAN OO DALKOODII RAHMAN YAHAY OO SHEEKHEEDII, SULDAANKEEDII IYO CAAQILKEEDIIBA AY KOOXI U HESHIISAY?”

0
353

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiirey (Sheekh Aadan-Siiro), ayaa khudbaddii Jimcaha ee Shalay kaa hadlay Xaaladda Abaareed ee Dalka, Kooxo uu sheegay inay u heshiiyeen Iibinta Dhulka Ummadda ka dhexeeya iyo Arrimo kale oo uu ka mid yahay Mushkiladaha Horumarin la’aaneed ee Somaliland.  Sheekha oo Arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi, “Toddoba Sannadood oo Abaar ah wixii lagaga baxayey ayaa Qur’aanka ku sugan, Innaguna Sannad walba waynu Qaylineynaa. Waxaynu nahay Waddamada ugu Biyaha badan Adduunka, Waxaynu nahay Waddamada ugu tirada yar Adduunka isla-markaana ugu kheyraadka badan Adduunka.”. Sheekha oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “ILAAHAY baan ku dhaartee haddaynu Hoggaan Wanaagsan helo Doollarka ayaynu wada karsan doonaa, arrintaa waxaaanu diyaar u nahay inaanu Dood kala galno Nin kasta oo Aqoon sheeganaya haddii Hoggaan Wanaagsan la helo ilmaha ugu yar Hantida uu helayo, laakiin aynu u baahannahay ikhlaaskii iy Toosnidii. Innaga oo aad Tiradeena ogtahay ayaa Hooyooyinkii Tahriibayaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Hargeysa oo ay ku nool yihiin 1.3 Milyan Qof ayaa Dhulkeedii waxa qaatay 200 Qof, markay dhulkii Ummaddu lahayd qaateen ayay innagu yidhaahdeen Baloodhku waa Lixdan kun oo dollar illeyn waa Cisaabaad iyo Kooxo is oge, waxay ahayd in Dhulkaa inay jari karaan Hooyada Agoonta ah, laakiin Maanta waxaynu ku heshiinay in wax walba kooxi yeelato.”

Sheekhu wuxuu isbarbar-dhigay dib u dhaca Somaliland haysta iyo Horumar uu sheegay inay ku socoto Dubai oo aan lahayn kheyraad dihin, “Dubai Lixdii biloodba waxaad ku arkaysaa horumar lagu soo kordhiyey, sida Biriij la dul-mariyey Biriij kale, Dubai ma Shidaal bay leedahay, ma Macdan bay leedahay, maya malaha ee Nin Caqli badan baa xukuma. Dubai waxa inta uu doono ka kheyraad badan Gobolka Sanaag ee Somaliland, haddana way nagaa bakhtiyeyna oo waynu soo oodanay, xitaa Cilmigii ma shaqeynayo, Waayo? Marka Qalbigu ku madoobaado.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Innaga oo soo wada taagan oo Sheekheedii, Suldaankeedii, Caaqilkeedii iyo kii lahaa PhD baan sitaa soo taagan yahay ayay kooxi ku heshiisay inay Dhulkii Dalka Gabigiisaba iibiyaan oo ay qaataan, Kitaabkii ma shaqeynayo, Sharcigii ma shaqeynayo, Caqligii ma shaqeynayo, Wanaaggii ma shaqeynayo, bal ka waran Ummaddan Kooxdu heshiisay ee Dalkoodii oo dhami Rahman yahay, kuwaa aanu la hadlayno waxaanu leenahay Waar Ummadda Muslimka ah ILAAHAY kaga yaaba oo Hantida Ummadda hala ilaaliyo.”