KASTAMKA MADAARKA HARGEYSA OO MUKHALLAS AY SHAQADA KA JOOJIYEEN KU XIDHIIDHIYEY BEEN ABUUR LAGA BAAHIYEY MAAMULAHA KASTAMKA IYO TALIYAHA TURBATAARIYADA

0
364

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Nuqullo kamid ah waraaqo isugu jira digniin iyo shaqo ka joojin uu maamulka kastamka madaarka Hargeysi ku sameeyey Muwaadin Mustafe Cabdillaahi Yaasiin oo ahaa Mukhallas ka shaqeeya kastamka madaarka kaasi oo masuuliyiinta turbataariyada madaarka iyo kastamka madaarku ku eedeeyeen in uu warbaahinta maxalliga ah ku fidiyey dacaayo meel ka dhac ku ah waajibaadka ay qaranka u hayaan iyo sharafta

digniintii-loo-qoray-mukhalska

shirkadda Telesom kuwaas oo aanay waxba ka jirin. Sida ku cad warqadan laga qoray mukhalaskan oo warbaahintu heshay ayaa muujinaya cadayn uu sida kamuuqata warqadda uu  ugu hogaansamayo digniin kama dambays ah oo   Maamulka kastamka madaarka Cigaal Ee Hargeysa siiyey taas oo lagaga hor saxeexay taliyaha qaybta ilaalinta cashuuraha ee madaarka. Warqadda digniinta ah ee maamulka kastamku u  qoray mukhallaskan oo ogaysiinta la siiyey  Taliyaha ilaalinta cashuuraha kastamka, taliyaha booliska ee madaarka, agaasimaha waaxda kastammada, agaasimaha guud ee wasaaradda maalliyadda iyo wasiirka wasaaradda maalliyada waxaa ay u dhignayd sidan: