Beesha Muuse Abokor iyo Wasiirka Madaxtooyada oo Qorsheynaya Weerar Ay Qadaan Beesha Ciise Muuse+Diyaargarow Coladeed oo Laga Dareemayo Magaalada Berbera

0
276

Berbera (Ceelgardinews.com) Beesha Muuse Abokor iyo Wasiirka Madaxtooyada oo Qorsheynaya Weerar Ay Qadaan Beesha Ciise Muuse+Diyaargarow Coladeed oo Laga Dareemayo Magaalada Berbera
Berbera(Ceelgardi)Ilaa Habeenkii Xaley ahaa waxa Magaalada Berbera laga Dareemayey Diyaargarow Balaadhan oo lagaga hortagayo Weerarka Qaawan ee ay Maagan yihiin Beesha Muuse Abokor(hj) ee ku aadan Beesha Ciise Muuse ee Habar Awal,kadib markii Maalmihiii u dambeeyey Hanjabaado aan Fulin lahayni ay ka soo baxayeen Beeshaasi Muuse Abokor, kuwaasi oo Weerarkooda ku Beegsanayey inay Dilayaan Madaxda Beesha Ciise Muuse, iyagoo ugu Aargoyna, Dilka Taliyihii hore ee Ciidanka Booliiska Gobolka Saaxil Marxuum Caseyr oo Dabley Hubeysani Horaantii Bishii hore ay ku Dileen Aaga Biyooley ee Bariga Magaalada Berbera.
Waxaanay Hanjabadaasi keentay inay Beesha Ciise Muuse oo Culeys badan la saarey Tan iyo Markii Dilkaasi dhacay, ay Ka Damqadeen Hanjabadaasi aan Loo meeldayin ee kaga Imaneysa Beesha Muuse Abokor, waxaana ilaa Habeenkii xaley ahaa ku soo Qulqulayey Magaalada Berbera Dabley Hubeysan oo laga soo Daadgureynayo Degaanada Mandheera iyo Sheekh, kuwaasi oo la doonayo inay ka Hawlgalaan Degaanka Bariga Gobolka Saaxil.
Dhinaca kale Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Maxamud Xashi cabdi oo ah nin ku Caanbaxay Naceybka iyo Cunsuriyada Beesha Ciise Muuse, islamarkaasina doonaya inuu Mashruuca Mudo kordhinta ka Diyaariyo, isku dhaca Labadan Belood ayaa Maalmihii u dambeeyey Lacago kale Dollar ah u Dirayey Beesha Biciide ee Degaanka Galbeedka Sanaag,si ay isugu soo ababulaan, islamarkaasi Sahay iyo Hub usoo siistaan.