DAAWO:-XILDHIBAANADA XISBIGA UCID EE DEGMOOYINKA CEERIGAABO IYO BERBERA OO SHEEGAY INAY MAXKAMADA LA TIIGSAN DOONAAN FAYSAL CALI WARAABE OO BURBURINTA XISBIGA KU SOO QAATEY MASHRUUC.

0
272

Berbera (Ceelgardinews.com) Xildhibaan Salebaan Cali Qayre iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Laangadhe oo kamida Xildhibaanada Xisbiga UCID uga Soo Baxay Magaalooyinka Ceerigaabo iyo Berbera Tartankii Golayaasha Degaanka Dalka ee Doorashadii 2012 Oo Maanta si Wado Jir ah Shirjaraaid ugu Qabtey Xarunta Xisbiga UCID uu Ku leeyahay Magaalada Berbera,ayaa Ka hadlay Khilaafka Soo Jiitamey Xisbigaasi UCID iyo Kaalinta uu ku Leeyahay Gudoomiyaha Xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe iyagoo Faysal Cali Waraabe Sheegay inay Dacwad ka dhan ah ay ka Furandoonaan Maxakamada Sare ee Somaliland.