Bulshada Gobolka Saaxil Ayaa Meel Adag Iska Taagtay Kootada Internet Loogu Xidhay Ina Aw Siciid

0
318

Berbera(Ceelgardinews.com)Qaar Kamid Ah bulshada ku dhaqan magaalo xeebeda berbera ayaa sheegay inay kazoo horjeedaan kootada loogu xidhay Internetka Viber Optic Waxayna bulshada gobolka saaxil ay Soo Jeediyeen in lasoo dhaweeyo Xadhiga Internetka ah ee laga soo qaadayo xeebaha badwaynta INDIAN OCEAN ee somaliya t Waxayna bulshadu qaarkood ay sheegeen maraanu saaka fikir ururin ku samaynay inay muhiim tahay in lasoo dhaweeyo markabka Xadhiga Jiidaya ee kusoo xidhay magaalo xeebeda Berbera kaasi oo wax wayn ka tarikara dhinaca Horumarka ITga, Technologiyada maadama ay Somaliland ku hoosayso dhinaca internetka Markabkan ayaa kazoo goostay xeebaha Somaliya bishii hore kadib markii uu ogolaasho ka helay xukuumada Somaliland gaar ahaana wasaarada boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland oo fulinaysa waajibaadka ganacsiga aduunka madaama uu ganacsigu xoryahay (Free Commercial) taasina ay Somaliland kala mid tahay dawladaha aduunka Cali Aadan Nuur oo kamid ah Aqoonyahan dhinaca internetka ah barna ka ah jaamacadaha dal ayaa ku baaqay inay somailand ilaaliso nidaamka ganacsiga iyo xeerarka Aduunka ka yaala dhinaca ganacsiga aduunka gaar ahaana dhinaca xadhkaha Netka Maxamuud Aadan oo kamid ah bulshada ku dhaqan Magaalada Berbera ayaa sheegay inaanay haboonayn koontada lagu xidhayo ganacsiga la wadaago sida Fiber Optic Netka oo laga soo qaadato dawladaha aduunka gaar ahaana Yurub Iyo America ,waxaanu sheegay inay si wayn uga soo horjeedaan shakhsiyaadka lagu raaligelinayo hantida umada ama Ganacsiga la wadaago waxaanu carabaabay ina Aw Siciid oo la sheegay inuu doonayo sidii uu internetka u hoos gayn lahaa Dawlada Jabuuti oo Iyana kamid ah dawladaha kazoo horjeeda xukuumada Somaliland iyo madaxbanaanidiisa ,arinta kale ayaa waxay tahay jabuuti internetka ay Somaliland siinayso iyadu maxay u isticmaali wayday madaama ay dawlada jabuuti iyo Magaalada Jabuuti ay ka mid yihiin Wadamada Ugu Hooseeya Isticmaalka dhinaca internetka casriga Ah Dhanka Kale Maxamed Aw Siciid Ayaa kamid ahaa shakhsiyaadka sida xoogo leh ugu ololaynaya keenida dhinaca Fiber Optic bada lasoo marinayo isagoo sanadkii ugu danbeeyey ku hawlanaa keenida internetkaasi kadib markii xukuumada Somaliland kooto ugu xidhay inuu ka iibiyo shirkadaha waawayn ee dalka balse aanu tafaariiq u ibiin nasiib darro inuu Aw Siciid markii uu hantiyey rugsadii ogolaanshaha wuxuu bilaabay inuu wiqyad miiso kana baxo heshiiskii xukuumada iyo shacaba lagalay taasina waxay keentay inay guud ahaanba ka xanaaqaan shirkadihii la dulmiyey ee kootada sharci darada ah kazoo horjeeday isla markaana ay dib ucuriyaan hawlahoodii shaqo ee tartanka dhinaca ganacsiga (compaction Of Economics ) oo ay xaq ulahaayeen inay horba uga diidaan dulmiga cad ee xukuumadu ugu eexatay Shirkada Ina Aw Siciid Waxaan kusoo ururin lahaa xukuumadu shacabka cadaaladooda ha ilaaliso ,hakala ilaaliso ,dhexna haka noqoto arimaha ganacsiga gaar ahaana keenida dhinaca internet oo la sheegay inay tayo iyo qiimo ahaanba wanaagsan yahay xadhiga Badda hoosteeda lasoo mariyo sida Xadhigii Markabku Jiidaayey balse aanay wanaagsanayn xadhiga lasoo qoday ilaa magaalo xeebeda jabuuti iyo Somaliland oo masaafo ahaan isku jira 735 Km

 

Maxamed Subeer Adan Super1@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here