Burco:Hadalheynta Dhaqdhaqaaqii Golaha Deegaanka Burco Ismudaceyntii Wasiirada iyo Madagtii Xiisada(Faallo)

0
310

Burco(HWN)-Muran kama taagna in dadweynaha Reer Burco intooda badani ogyihiin halka ay salka ku haysay kacdoonka ka dhanka ah Maayarka Degmada Burco iyo khilaafkii Xildhibaanada Golahaasi ka dhex oognaa maalmihii u dambeeyay,taas oo ay qeyb ka yihiin in Xukuumadu ku lug laheyd in Xubnaha Golaha Deegaanka Degmada Burco dhaqdhaqaajin xoogan ku aadiyaan Maayarkooda.

Inkastoo tuhun badani ka taagan yahey in Maayarka Degmada Burco Maxamed Cabdiraxmaan Yuusuf(muraad),isbadel kuyimid sidii ay markii hore raalida uga  ahaayeen Xubno badan oo kamid ah Xildhibaanada wakhtigan meesha adag ka taagani ee Golaha Deegaanku haba ugu dambeeyo Xildhibaan Cabdirisaaq Xuseen Obsiiye (Shiine),oo lagu tirin jirey toolmoonayaashii tuugna aanu xadi jirin ee gacanta midig u ahaa Maayar Muraad hadana,waxa su,aali ka taagan tahey in aan mucaaridaduku koobneyd halka khilaafku daaran yahey ee lagu muransanaa(Guryaha Booliska iyo iskuulkii Siyaad), oo ay Golaha Deegaanku doonayeen in maamulkoodu gacanta Golaha kusoo noqdo haseyeeshee,waxa ay  dad badan oo Reer Burco ahi aaminsan yihiin in isbadelka geedi socodka Golaha Deegaanka Degmada Burco soo bilaabmey tan iyo intii ka dambeysay Socdaalkii Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye kusoo gaadhey Magaalada Burco xiligii Diiwaangalintu ka socotey Gobolka,inkastoo aaney jirin Xildhibaano iyo Shacbiba cid sigaar ah farta ugu fiiqeysa in dhaqdhaqaajinta Xildhibaanadu ay fursad ka heleen dhinaca Gudoomiyaha Gobolka hadana kama maqna in dad badani tuhunsan yihiin in Gudoomiyaha Gobolku saamayn taban iyo mid togan labada ku leeyahey.

Waxaana faalada iyo hadalheyntu ku badan tahey doorka uu Xildhibaan kastaaba ku lahaa dhaqdhaqaaqa deyrtan lagu waajahey Maayar Muraad oo noqoneysa diyaarinta Mooshinkii ugu cuslaa ee noociisa ah,iyadoo ay jireen xildhibaano maanka ku hayey in filashada Muraad ku dambeyn doonto hadii ay suurtagali laheyd Kalfadhi aan caadi aheyn oo loo qabtaa in uu ku baraarugi lahaa xubno uu hore u aaminsanaa oo ka codeeyay Tusaale ahaan sida Xildhibaan Shiine oo ay mudcigiisu ilaa maanta ku mudan tahey taas, oo soo noolaysay Xusuusta xilka qaadistii Golaha Deegaanka Berbera mudo imika wakhti badan laga joogo xilka kaga qaadeen Cabdi Musbaar oo laga reebay hadal dhaxal gal ahaa maalintaasi(Bidhiidhow hada waa Dhicistii tan aad gacanta u taagtey),maadaama Xildhibaan Shiine lagu tirin jirey Maayarka labaad,Xildhibaanada kale ee Mooshinkan dhicisoobay sida weyn loogu hadalhayey maalmahan gudaha Magaalada Burco waxa kamid ah Xildhibaan Maxamuud Axmed Xasan(dhagalaab), oo musdambeed u ahaa dhaqdhaqaajinta Mooshinkan  islamarkaana, ka khibrad iyo waayo aragnimo badan inta ugu badan Xildhibaanada horena u ahaa Maayarkii Burco ee xilka  ku wareejiyay Maayar Muraad laakiin fursad u helay in uu mar labaad kusoo noqdo Golaha Deegaanka, waxa uu dheer yahey Xildhibaanada D/hoose ee Dalka aqoonta jidadka loo raaco Mashaariicda D/hoose iyo Mashruuca GBLG,waxa ay qeybo badan oo Dadweynaha Reer Burco ahi aaminsan yihiin in uu Dhagalaab dhaqdhaqaaqii u dambeeyay ee Golhoodu ku abuurey damac Maayarnimo taas, oo inta ugu badani u qarsooneyd inkastoo dad badan oo kale aaminsan yihiin in deyrtan weysada u biyeystey oo kaliya sidii uu ugaga takahlusi lahaa Muraad laakiin aanu kujirin damac Maayarnimo isku soo wada duub oo Xildhibaanada kale ee maalmihii u dambeeyay sida aadka ah loo hadalhayey waxa kamid ah Mucaaridadii soodhaha culus aheyd ee Xildhibaan Mubaarig Yuusuf Cilmi(Bidhi),iyo tanaasulkiisii dhaqsaha ahaa ee Mooshinka dhiciseeyay, iyo waliba kalfadhigii aan kooramkiisu buuxin ee lagu cumaamadey Maayarka kale, oo kamid ah hab abuur khilaaf Gole oo ay inta badan soo dhigaan rag khibrad u leh halka uu ka cakirmo khilaafyada Golayaashu Deegaanku taas oo inta badan laga fisho khasaare iyo faa,iido labadaba Tusaale ahaan hadii Xubno ku culus Golaha Xukuumadu tixgalin u muujiyaan Xubnaha Kalfadhiga goonida ah qabsadey oo Xukuumadu raali ka noqoto waxey mijo xaabineysaa difaacista Maayarka inkastoo aaney tirada laga rabey dhameys tirneyn waa arinta tuhunka ka dhalisey in Wasiiro Xukuumada katirsani qeyb ka ahaayeen Mooshinka ka dhanka ah Maayarka halka Wasiir Cali Xasan Maxamed(Cali-Mareexaan), oo isaguna caan ku ah faqa iyo shir doceedyadu uu ku guuleystey furfurka Xildhibaanada oo uu kala soo hadhey Xubnihii kooramku ku buuxay.

Sikasta oo ay tahey,waxa ay dadweynaha Reer Burco isweydiinayaan ma noqon doonaa mid kusoo dhamaada Khilaafkani boodboodka Jaamac Biin(Wasiir Kuxigeenka Arimaha Gudaha),iyo Galka Seef kalabixii Wasiir Cali Mareexaan, taas oo aan wali la dareemin khuurada Wasiirka Madaxtooyadu daaha dambe ugu joogo Khilaafka Golaha Deegaanka Degmada Burco,gunaanadkii dadweynaha Reer Burco waxey u dheg taagayaan sida uu Maayar Muraad ula jaan qaadi doono Xubnaha Xildhibaanadii Mooshinkiisa ka badheedhay iyo kuwii uu kalsoonida badan ku qabey ee ka dhex toosay……..Lasoco

Xigasho

Cabdiraxman Hiiran

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here