Shan Waxyaabood Oo Ka Dhici Doona Manchester United Marka Uu Qabto Tababare Jose Mourinho Xagaagaan

0
326
<> at Old Trafford on October 26, 2014 in Manchester, England.
Jose Mourinho wuxuu bedeli doonaa Van Gaal oo uu kaga soo hoos shaqeeyey Barcelona

Jose Mourinho wuxuu bedeli doonaa Van Gaal oo uu kaga soo hoos shaqeeyey Barcelona

Tababare Louis van Gaal ayaa loo arkay inuu kulankiisii ugu dambeeyey leyliyey Manchester United ka dib markii uu maanta saxaafadda England si dadban ugu sheegay inuu soo dhammaaday waqtigiisii kooxda maanta oo Axad ah jeer uu kasoo baxay hotelka kooxdiisa. Jose Mourinho ayaana u muuqda inuu ka bedeli doono shaqadaan.

Majaladda Daily Mirror ayaana calaameysay SHANTAAN WAXYAABOOD ee ka dhici doona Man United marka uu Mourinho kusoo laabto horyaalka England Premier League oo laga raacdeeyey bishii December ee sannadkii tegay ka dib markii uu Chelsea ku hogaamiyey bilowgeedii ugu xumaa ee xilli ciyaareed Premier League ah.


  1. DAVID DE GEA WAA UU SII JOOGI DOONAA

Goolhayaha reer Spain De Gea oo si xoogan loola xiriirinaayo inuu xagaagaan u dhaqaaqayo Real Madrid ka dib heshiiskii daqiiqadii ugu dambeysay burburay ee uu kula biiri lahaa xagaagii lasoo dhaafay ayaa la filayaa inuu sii joogo Man United xilli ciyaareedka soo aadan marka uu xilkeeda tababarenimo la wareego Mourinho.

Maadaama ay isku wakiil yihiin De Gea waxaa la filayaa inuu sii joogo Man United

Maadaama ay isku wakiil yihiin De Gea waxaa la filayaa inuu sii joogo Man United

Wakiilka heerka caalami Jorge Mendes ayaa dhowaan noqon doona nin awood badan ku leh kooxda ka dhisan Old Trafford, waxaana la filayaa inuu ku qanciyo De Gea inuu sii joogo Man United marka uu qabto Mourinho oo uu sidoo kale wakiil u yahay.


  1. ZLATAN IBRAHIMOVIC AYAA KUSOO BIIRI DOONA MAN UNITED

Ibrahimovic ayey u badan tahay inuu xagaagaan beeca xorta ah kula soo biiro Man United isla markaana uu doorto inuu markale ka hoos shaqeeyo Mourinho oo soo leyliyey waqtii uu joogay Inter Milan. Gooldhaliyahaan ayaa ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyey ee PSG wuxuuna indhaha ku hayaa inuu ka ciyaaro horyaalka xamaasadda badan ee Premier League, lamana filayo inuu dhabarka xijiyo Man United oo uu wato Mourinho.

Ibra ayaa la filayaa inuu markale ka hoos shaqeeyo Mourinho oo uu sheegay inuu ka fiican yahay Guardiola oo xagaagaan qaban doona Man City

Ibra ayaa ka hoos shaqeynaya Mourinho oo uu aaminsan yahay inuu ka fiican yahay Guardiola 

Si kastaba ha ahaatee, Man United waa inay mushaar farabadan u ballanqaado Zlatan si uu u yimaado Old Trafford. Ibrahimovic oo aan marna qarsan sida uu u jecel yahay Mourinho oo uu keliya hal xilli ciyaareed kala soo shaqeeyey Inter Milan ayaa laga hayaa: “Waxa keliya ee aan ka qoomameynayo waa inaan keliya hal sanno si wadajir ah iskula shaqeynay.”


  1. MAN UNITED SIIMA AHAAN DOONTO KOOX CIYAARTA KUBAD SOO JIIDASHO LEH

Kooxaha uu leyliyo Mourinho ayuu sida caadada u ah ka adkeeyaa daafaca isagoo ciyaara falsafad inta badan difaac ah waana tababare lagu dhaleeceeyo inuu markasta kooxihiisa ku qasbo inay difaac galaan taasoo keenta inaan la jecleysan qaab ciyaareedkooda.

Mourinho ma ahan tababare kala jecel nuuca ay u ciyaarto kooxdiisu keliya wuxuu doorbidaa inuu helo guusha

Mourinho kalama jecla nuuca ay u ciyaarto kooxdiisu keliya wuxuu doorbidaa inuu helo guusha

Malaha Man United ayaase anfaceysa iyadoo xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay ka mid noqotay kooxaha ugu difaaca wanaagsan Premier League. Mourinho oo mar ka jawaabayey dhaleeceynta loogu soo jeediyo falsafaddiisa difaaca ku dhisan ayaa yiri: “Fahamka kubadda cagtu waa wax iska sahlan waa gool dhali ka dibna difaaco”.

Mourinho ayaa dhaxli doona koox uu ka tegay Van Gaal kaasoo ah tababare ay falsafad ahaan si aad ah isku shabbahaan. Waxaase hubaal ah inuu dhanka weerarka ka xoojin doono kooxdaan oo xilli ciyaareedkii dhammaaday la dhaliilay tayadooda weerarka.


  1. KHABAR XUN AYAA USOO YEERAY CIYAARTOYDA KASOO BAXAYA AKADEEMIGGA

Mid ka mid ah sababaha aan lagu jecleyn Mourinho ayaa ah rikoorkiisa yar ee xiriira fursad siinta ciyaartoyda dhallinyarada ah ee kasoo baxay akadeemigga kooxaha uu maamulo. Laakiin waa macquul inuu Mourinho fursad siiyo ciyaaryahan dhallinyaro ah si uu u bahdilo ciyaaryahan sumcad ku leh kooxda oo ay markaas isku dhacsan yihiin.

Special One ma ahan nuuca fursad siiya dhallinyarada, bedelkeeda wuxuu soo iibsadaa xiddigo waa weyn

Jose  ma ahan nuuca fursad siiya dhallinyarada, bedelkeeda wuxuu soo iibsadaa xiddigo waa weyn

Tusaale ahaan, ma xusuusataa wixii uu ka bilowday dagaalkii sokeeye ee Real Madrid markii uu joogay Mourinho?… Special One ayaa soo dallacsiiyey goolhaye Antonio Adán wuxuuna booska uga bixiyey halyeeyga kooxda Iker Casillas kaasoo ay isku dhacsanaayeen, halka lagu xusuusto oraahdiisii caanka aheyd ‘Pepe wuxuu qabaa xanuun la dhaho Raphaël Varane’ – waana hadal uu yiri xilli ay isku dhacsanaayeen daafaca ay isku dalka yihiin ka dibna uu booska uga bixiyey Varane oo markaas dhallinyaraa.

Mid ka mid ah waxyaabaha lagu amaani karo Van Gaal ee uu xilli ciyaareedkii dhammaaday ka sameeyey kooxda ka dhisan Old Trafford waa fursadda uu siiyey ciyaartoyda dhallinyarada ah, sidaas darteed Mourinho ayey ugu yaraan ku adkaan doontaa inuu raaco wadadii ninka reer Holland.


  1. MAN UNITED HORYAALKA AYEY KU GUULEYSAN DOONTAA – KA DIBNA WUU TEGI DOONAA

Waa arrin lasii saadaalin karo, sababtuna waxay tahay meelkasta oo uu tegay Mourinho wuxuu ku qaaday horyaal. Ka dibna waa uu ka tegay. Tusaale ahaan Chelsea wuxuu markiisii ugu dambeysay joogay 2013 illaa 2015 wuxuuna ku qaaday horyaal, waxaana uga sii horreysay Real Madrid.

Mou seddax jeer ayuu hantay Premier League laba jeer oo kala duwan oo uu qabtay Chelsea

Mou seddax jeer ayuu hantay Premier League laba jeer oo kala duwan oo uu qabtay Chelsea

Taageereyaasha Manchester United ayaana durba maanka sii gashanaya inuu Mourinho u qaadi doono horyaalkoodii 21aad ee Premier League, balse saadaasha la sameynayo ayaa sheegeysa inuu 53 sanno jirkaan reer Portugal ka huleeli doono Red Devils marka uu si fiican u dhiso sannado yar ka dib iyadoo la filayo inay isku dhacaan ciyaartoyda kooxda sida uu caadada u leeyahay.