Burco:Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Oo Daahfurtay Maktabada Akhriska Burco Iyo Weedhihi Misanka Laha Ee Laga Jeediyay Madasha

0
331
????????????????????????????????????

Burco(Ceelgardinews.com) :Akhriska Iyo Qoraalku Waxa Uu Door Muqda Ka Qadataa Adkaynta Iyo Ku Dhaqanka Afkaga Hooyo Hadaba Waxa Gobolada Dalka Ka Jira Naadiyo Ku Hawlan Soo Nolaynta Akhriska Iyo Qoraalka Munasibad Baladhan Oo Hanankeeda Iyo Qabanqaabadeeda Si Mugleh Lasoo Agaasimay Oo Lagu Daahfurayay Rugta Kutubta Burco Ee Gacanta ay Ku Hayso Naadiga Akhriska Iyo Qoraalka Ee Halkaraan Aya Lagu Qabtay Barxada Naadiga Halkaraan

Munaasibadani Oo Kulmisay Wajiyo Mug Iyo Misaan Kule Bulshada Somaliland Aqoonyahano, Abwaano, Dhalinayaro Tiro Badan,Qoraayo Ka Kale Socday Gobolada Maroodijeex , Saaxil, Maamulka Gobolka Ka Degmada Iyo Marti Sharaf Kale Ayaa Soo Camariray Munaaasibadani,

Waxana Ugu Horaynba Munaasibadani Furay Gudoomiyaha Naadiga Akhriska Iyo Qaraalka Ee Halkaraan Nasra Kayse Xaaji Diriye Iyo Marwo IFraax axmed xasan Oo Ku Hadlaysay Afka Naadiga Halkaraan Ayaa Ka Xog Waramay Soyaalkii Tarikheed Ee Naadiga Halkaraan Iyo Guulahii ay Gadhaay Naadigu Sanadihi Udanbayay Ugana Mahadnaqay Wufuuda Iskugu Jiray Aqoonyahanka Iyo Qorayada Ee Kasoo Kaci Timay Magalada Berbera Iyo Magalada Hargaysa Ee Casimada Somaliland,

Waxa Iyaguna Munasibada Ka Hadlay Xubno Misaan Ku Leh Qalinka Iyo Qoraalka Kana Socday Xarunta Dhaqanka Hargaysa Oo Ay Ka Mid Ahayeen Barkhad Maxmed Kaariye, Qoraa Jamac Muse Jaamac ,Qoraa Maxamud Cawad ,Sahra Ladan Cali Iyo Gudoomiyaha Naadiga Akhriska Berbera Mukhtaar Cismaan Jamac Oo Dhamaantoodba Si Dareen Leh U Tilmaamay Inay Farxada Damashadka Ay La Wadagayaan Naadiga Halkaraan Ay Uga Yimadeen Danahoodi Oo Dhan Kuna Bogaadiyay Naadiga Halkaraan Guulaha ay Ka soo Hoyso Goobaha Lagu Tartamo Dhaqanka ,Qoraalka Iyo Akhriska Isla Markaana Qayb Wayn Ka Qaatay Qoraayo Da,da Yara Oo Soo Ifbaxay ,

Sidoo Kale Waxa Munaasibada Qayb Ka Ahayd Dib Uu Xasusinta Habki Iyo Hananki Lagu Soo Gardaadiyay Naadiga Halkaraan Oo Ay Si Wada Jira Usoo Bandhigeen Maxmed Salaad Cali Iyo Mustafe Teacher Waxa Kale Oo Iyaduna Munaasibad Lagu Soo Bandhigay Su,aalo Dhaqanka Iyo Qoraalka Ku Saabsana Oo La Waydinayay Dhalinyaradi Kasoo Qayb Galay Madasha Oo Abaalmarino Lagu Gudoonsinaayay Cida Ku Gulaysata Iyo Koxda Qosalka Iyo Majaajilada Ee Ayaatin Oo Ruwaayad Qosal Badnayd Oo Lagu Nastay Soo Bandhigay Oo Ku Sabsanayd Qoris La,aanta Iyo Akhris La,aanta Dib Uu Dhaca Ay Leedahay

Munaasibadu Intanay Soo Idlaan Ayaa Waxa Iyaguna Hadalo Dhaxagal ah Ka Jeediyay Xildhibaan Mubaarig Bidhi Oo KA Mida Golaha Deeganka Burco Iyo Xoghayaha Gobolka Togdheer Wali Khayre Oo Dhamantoodba Qiray Doorka Ay Ku leedahay Naadiga Halkaraan Gobolka Togdheer Iyo Somaliland Kuna Dhirigaliyay inay Halkaa Kasi Wadaan Dadaalka Shaqada Ay Hayaan

Ugu Danbayntiina Waxa Halkaasi Shahaado Sharaf La Gudoonsiyay Golaha Deegaanka Degmada Burco Sidoo Kale Waxa Iyaguna Hadiyado Cilmi Iyo Dhaqan Xambaarsana Oo Ku Dugnaa Bugaag La Gudoonsiyay Naadiga Halkaraan Ay U Gudoontay Gudoomaha Naadiga Akhrisku Oo Ay Ku Maamuseen Qoraayo Rer Somaliland ah Iyo Goboha Lagu Yimaado Dhaqanka Iyo Tarikhda Ee Ka Dhisan Magalada Hargaysa.