Shirkii 4 aad ee Wada Xaajoodka ahaa ee Dhexayey Dalalka Somaliland Iyo Ethiopia oo Maanta sii Rasmi Uga Furay Berbera.

0
349

Berbera (Ceelgardinews.com) Shirki 4 aad ee u dhexayey dalalka Somaliland Ethiopia oo socoday dhawrkii sano ee dambeyey oo kulamadii horeyey ka dhaceen gudaha dalka Ethiopia oo ay qayb ka yihin in ka badan 16 Wasaaradood Dalka Ethiopia Halka Somaliland Tiro inta ka badan ay ka jiraan shirka.
Shirku waxa soo qaban qaabisay Wasaraada Arrimaha Dibad iyo Iskaashiga Caalamiga Somaliland waxa dadaal badan galiyey sidii shirku u qabsoomi laha Agaasimaha Guud Wasaarada Arrimaha Dibedda Somaliland C/raxmaan Abdeeq Muxumed ,shirku wuxu socon doona mudo laba maalmood ah waxana laga hadli doon kulamad kan ka horey qodobadii lagaga hadlay ee ay ka mid yihiin dhinacyada isku Socodka shacabka ku dhaqan laba dal,Amaanka Ganacasiga Dhaqaalaha Waxbarshada Cafimaadka iyo Mashruuca ugu weyn ee Berbera Corridor.
Shirka 4 aad ee dhexeyey Dalalka Somaliland Ethiopia Waxa sii Rasmi ah furay Wasiirka Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashig Dawlada Somaliland Xusen Adan Cige (Xusen Deyr) “wuxu ka mahadnaqay imaanshaha waftiga ka yimid dalka Ethiopia Maamulka Gobalka saaxil iyo marti kale ee shirka jooga ee ka socoda Xukuumada Somaliland ee iskug jira Agaasimyaasha mareeyaasha Taliyaasha kal duwan Ciidamda Miltariga Ciidanka Bileyska Ciidan Bada Ciidan Waaxada Socodaalkan iyo hay”adaha kale ee amaanka”
Wasiirka Deyr oo tilmaamay qiimaha uu leeyaha shirku iyo tarkhiida soo jireenka ee ka dhexeeya labada dalk ah wuxu faahfaahiyey sida loogu baahan in la joogteeyo shirka nuucan oo kale,isla markaana ay ka soo baxaan qodob midho dhal ah oo anfaco mustaqbalka laba shacab ee somaliland Ethiopia.” Waxan maanta faraxad wey ah inaan idin furo shirka u dhexeeyey laba dalka ee Waxay muhiim u tahay inay iskaashiga dhinaca hormarka waxa lay idinka filay mudada uu shirku socodo inaad ka waxad hadashaan arrimaha aad u aragtaan inay dan u yihiin xoojinta xiidhiidhka soo jiraan ah ee dhaxeeya Somaliland Ethiopia wuxuu tilmaamay ahmiyada uu leeyahay shirku ayuu yidhi Wasiirka Deyr.”
Dhinaca kale Waftiga Ethiopia Waxa Hogaaminaya Ambassador Salebaan waxa kaga Biiray Magaladd Hargeisa qunsulka guud ee Dalka Ethiopia u fadhiya Somaliland General.Berhe Tesfey ,furitanka shirka waxa hadal ka jeediyey hogaamiyaha waftiga Ambassador Salebaan “waxan amaanay gudiida farsamo ka soo shaqeyeye shirka qabsoomidiisa sidi loog baan yahay in kor looga qaado adeegiyada bulshada waxan ku farasanahay xiidhiidhka wanaagsan ee bulsha somalilnad iyo Ethiopia Wuxuu inta raacay iskaashiga ka dhexeeya ee dhinaca ganacsiga amaanka kaalinta hormar leh ee Ethiopia ka jirto Geeska Afrika saaxiibtinimada mudada badan soo jirtay ee labda dalka wakhtig halkan aanu joogno waxan ka doodi doonaa sidii looga hadli laha mashruuca weyna Berber Corridor qiimaha uu leeyaha somaliland labada dalk ayuu sheegay “Ambassador Salebaa

S9730032
Geesta kala waxa hadal soo dhoweyn ka jeediyey Mareeyaha Guud ee Dekada Caalamiga Berbera En. Cali Mohamed(Cali xoor-xooor) “Waxan soo dhaweynayaa martid noogo timid dalka Ethiopia ee u yimid shirka ka dhacay magaalad Berbera waxan ku faraxsanahay dalka aynu walaalaha nahay ee Ethiopia waan idinku soo dhaweyna magaalada berbera waa markii horeysay ee aad timidaan waftiga nuucan oo kale ah shirka iskaashiga ee ka dhexeeya Somaliland iyo Ethiopia”.
Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia Mohamoud Jama Galaal oo qayb ka ahaa waftiga ka soo raacay magaalad Addis Abab oo sheegay siday safaarad ahaan ug dadaaleen xiidhiidhka ka dhexeeya labada dal ee u badan dhinacyada Amaanka Ganacisga Waxbarashada ka wada xaajoodka mashruuca ugu weyn ee Xiidiidhinaya labad dalk Berber Corridor.
Mareeyaha Dekada Caalamiga Berbera Eng. Cali Mohamed ( Cali xoor-xoor) isgoo hadalka sii wata “waxan soo dhoweynaya mashruuca Berber Corridor ee qorshihisu socoday dhawrkii sano ee dambeyey waxan filaya inuu shirka soo baxo qodobo waxa u tara iskaashiga labad dalka Ee dhinaca amaanka ganacsiga isku socodka labada umaddood kani wuxuu damba socoda kulamo hore oo ka dhacaday gudaha dalka Ethiopia oo diirada lagu saaaray dhinac hormarka qiimaha uu leeyahay wax wad-qabsig labada dal “
Gudoomiyaha Gobalka Saaxil Jamaca yusuf Ahmed iyo duqa degmad berbera C/shakuur Mohamed Cidin ayaan hadalo soo dhoweyn u badan madasha ka sheegay isla markaana tilmaamay inay maamul ahaan ku faraxsan yihin in shirkii afraad lagu qabto Gobalka Saaxil magaalo Madaxdiis Berbera iyo qiimaha u qaranka somaliland uu leeyahay shirka kan oo kale ah .