Cabsi la xiriirta feyraska corona oo soo wajahday magaalada New York

0
555

Duqa magaalada New York ee dalka Mareykanka ayaa ka digay in xaaladda xanuunka corona ay kasii dari doonta maalmaha soo socda, haddii aanay wax isbadelin.

Digniintan ayuu ku sababeeyay agabka caafimaadka ee hadda ay heystaan oo uu sheegay in uu gabaabsi yahay, haddii aan wax laga qabaninna ay xaaladda kasii dari doonto.

“Qalabka caafimmaad ee aan heysano wuxuu ina gaarsiin karaa 10-ka malamood ee soo socota, oo ka dib xaaladda way kasii dari kartaa,” ayuu yiri Bill de Blasio.

Waxaa kale oo uu sheegay in ay aad ugu baahan yihiin qalabka cawiya dadka uu naqaska ku dhago oo uu sheegay in haddii aanan la helin ay dad badan u dhiman karaan fayraskan.

Gobolka New York ayaa kamid ah meelaha uu sida aadka ah ugu faafay xanuunka corona, waxaana halkaas laga soo sheegay kala bar kiisaska lagu arkay Mareykanka.

Mareykanka wuxuu hadda xaqiijiyay in dad gaaraya 31,057 ay qabaan xanuunka, halka 390 qofna ay u dhinteen.

Maalma kahor, barasaabka gobolka New York, Andrew Cuomo ayaa xaqiijiyay in dad gaaraya 15,168 laga helay xanuunka, taas oo ka dhigan in tiradii hore ay ku korortay illa afar kun oo qof.

“Dadka Mareykanka waa in runta loo sheegaa,” ayuu yiri Mr de Blasio oo la hadlayay telefishenka NBC News. Wuxuuna intaa raaciyay in xaaladda ay kasii dareyso oo bilaha soo socda ee April iyo May ay noqon doonaan kuwa ugu daran.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here