Chelsea Oo Stamford Bridge Ku Garaacday Kooxda Scunthorpe United,Diego Costa & Ruben Loftus-Cheek Oo Shabaqa Soo Taabtay Iyo Blues Oo U Soo Baxday Wareega Afraad Ee FA Cupka

0
413

Chelsea ayaa garoonkeeda guul kaga gaadhay kooxda  Scunthorpe, waxayna Blues u soo baxday wareega afraad ee FA Cupka kadib markii ay 2:0 ku garaacday kooxda  Scunthorpe kulan ka tirsanaa wareega saddexaad ee FA Cupka. Blues ayaa siiwadata qaab ciyaareedkeeda fiican iyo guuldaro la’aanta waayaha ku meel gaadhka ah ee Guus Hiddink, waxayna hadda Chelsea u muuqataa in ay si buuxda dib ugu helayso kalsoonidii ka luntay qaybtii hore ee xili ciyaareedkan.

5

Chelsea ayaa Stanford Bridge ku soo dhawaysay kooxda Scunthorpe kulan ka tirsanaa wareega saddexaad ee FA Cupka .Tababare Guus Hiddink ayaa kursiga dhigay John Obi Mikel waxaana shaxda blues ku bilawday Ramires, sidoo kale goolhaye Courtios ayaa la nasiyay waxaana fursad la siiyay Begovic. Terry ayaa sidoo kale kursiga kaydka ku jiray.Blues ayaa kulankan ciyaaraysay iyada oo doonaysay in ay sii wadato qaab ciyaareedkii fiicnaa ee ay soo bandhigtay waaha Hiddink isla markaana raadinaysa in ay soo gaadho wareega afraad ee FA Cupka.

Shaxihii labada kooxood ee kulankan:

CHELSEA (4-2-3-1): Begovic; Ivanovic, Zouma, Cahill, Azpilicueta; Ramires, Fabregas; Willian, Oscar, Pedro; Diego Costa.

Kaydka:Courtois, Terry, Baba Rahman, Mikel, Loftus-Cheek, Kenedy, Traore.

SCUNTHORPE (4-2-3-1): Daniels; Clarke, Mirfin, Wallace, Laird; Bishop, Dawson; Madden, Ness, Williams; Van Veen.

Kaydka: Anyon, Wiseman, Canavan, McAllister, King, Adelakun, Wootton.

Chelsea ayay 13 daqiiqo oo kaliya ay ku qaadatay in hogaanka u qabato kulankan iyada oo qaab ciyaareed fiican ku bilaabatay ciyaarta waxaana goolka furitaanka usaxiixay  Diego Da Silva Costa kaas oo ka faa’iideeyay kubbad uu caawinteeda iska lahaa difaaca Branislav Ivanović, wuxuuna costa  ciyaarta ka dhigay 1:0 ay Blues xili horeba hogaanka kula wareegtay.Costa

Markale daqiiqadii 15 aad goolhayaha kooxda martida ahyd ee Daniels ayaa fara cididoo goolka labaad kaga badbaadiyay Fabregas kaas oo bartilmaameedsaday goolka kooxda Scunthorpe. Weerar kasta oo ay Chelsea samayso ayaa halis galinayay difaaca iyo goolka kooxda martida ahayd ee Scunthorpe. Pedro Rodriguez ayaa sidoo kale kooxdiisa ka qasaariyay fursad uu goolka labaad ku keeni lahaa laakiin qaybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay iyada oo Blues 1:0 hogaanka ku haysay.pedro

Markii layskugu soo laabtay aybtii danbe ee kulankan ayuu tababare Guus Hiddink shaxdiisa isbadal ku sameeyay isaga oo fursad 45 daqiiqo ah siiyay da’yarka Ruben Loftus-Cheek kaas oo ciyaarta markiiba saamayn ku yeeshay, wuxuuna ciyaarta ka saaray Oscar dos Santos laakiin kooxda martida ahayd ee  Scunthorpe ayaa soo laabatay iyada oo goolka barbaraha raadinaysay.Chelsea

Daqiiqadii 54 aad ayay kooxda Scunthorpe umuuqatay in ay rekoodhe heshay kadib markii uu  Van Veen kubbad la soo galay xerada ganaaxa Chelsea isla markaana uu Ramires qalad ku galay, waxa uu ahaa rekoodhe cadaan ah balse garsooraha ayaan waxba tilmaamin inkasta oo ay ciyaartoyda kooxdani si wayn ugu doodeen in ay rekoodhe heleen.

Daqiiqadii 68 aad ayuu da’yarka  Ruben Loftus-Cheek oo ciyaarta badal ku soo galay kooxdiisa culayska ka qaaday kadib markii uu dhaliyay goolka labaad ee Blues, wuxuuna markiisa ka faa’iidaystay kubbad uu caawinteeda magiciisa ku qoray César Azpilicueta Tanco, waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Blues hogaanka ku dheeraysatay.Loftus-Cheek3

Loftus-Cheek

Dhamaadkii ciyaarta kooxda  Scunthorpe ayaa abuurtay fursado fiican iyada oo waliba birta u garaacday Begovic laakiin difaaca Blues ayaa ugu danbayn ku guulaystay in ay iska ilaaliyaan suurtogalnimada soo laabasho xili danbe ah oo ay kooxda  Scunthorpe kulankan ugu soo laaban kartay. Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2:0 ay Blues ku garaacday kooxdan  Scunthorpe isla markaana ay ugu soo baxday wareega afraad ee FA Cupka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here