Kadib Goolashii Kulamadii 19 aad Ee Horyaalka La Ligaha, Halkee La Kala Marayaa Gool Dhalinta La Ligaha Iyo Tartanka Loogu Jiro Abaal Marinta Pichichi

0
432

Lionel Messi iyo Gareth Bale ayaa kulamadan ahaan xidigaha ugu fiicnaa iyaga oo dhaliyay saddexleyo laakiin wali Messi iyo Bale waxa ay ka baxsan yihiin shanta xidig ee gool dhalinta La ligaha ugu sareeya balse waxa ay u muuqdaan kuwo haddii ay sidan ku socdaan dhawaan soo gali doona tartanka loogu jiro abaal marinta gool dhalinta La Ligaha ee Pichichi.Ronaldo and BaleMessi ayaa hogaanka gooldhalinta u soo jirsaday 6 gool isaga oo yeeshay 9 gool oo La Ligaha ah halka Bale uu yeeshay 12 gool isla markaana uu 3 gool oo kaliya u soo jirsaday hogaanka gool dhalinta.Qaab ciyaareedkii Bale ee kulankii Deportivo ayuu amaan badan kula kulmay halka Messi loo saadaaliyay in uu xalfada Ballon d’Orka tagi doono isaga oo ku jira qaabkiisii ugu fiicnaa.Messi2Neymar Jr iyo Benzema ayaa iyaguna shabaqa soo taabtay wuxuuna Benzema la goolal noqday xidiga ay isku kooxda yihiin ee Cristiano Ronaldo oo kulankii Deportivo goolasha ka soomanaa isla markaana uu nasiibku diiday. Benzema ayaa laba gool dhaliyay si uu 14 gool u yeesho, laakiin Neymar ayaa isaguna shabaqa soo taabtay si uu hogaanka ula qabto xidiga ay isku kooxda yihiin ee Luis Suarez oo kulankii Granada ku fashilmay in uu wax gool ah ku darsado goolashiisii hore. Xidiga Deportivo ee Lucas ayaa isaguna awoodi waayay in uu Madrid shabaqa ka soo taabto wuxuuna wali leeyahay 12 gool.Neymar

Hadda halkan kaga bogo shanta gool dhaliye ee hogaanka gool dhalinta La Ligaha:

1-Luis Suarez- Barcelona=15 gool iyo 17 kulan

 

2- Neymar Jr- Barcelona= 15 gool iyo 16 kulan

3-Cristiano Ronaldo-Real Madrid= 14 gool iyo 19 kulan

4-Karim Benzema- Real Madrid=14 gool iyo 14 kulan

5-Lucas- Deportivo La Coruna= 12 gool iyo 19 kulan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here