CIIDAMADA BOOLISKA OO DEEGAANKA BAXARASAAFKA KASOO XIDHAY SHAQAALIHII KA SHAQEYNAAYEY MADASHA SHIRKU KA DHACAAYO+CIIDAMO ISKU WEER KA QABTAY GOOBTA SHIRKA LOO ASTEEYAY

0
293

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Ciidamada Booliska ayaa afar qof kasoo xidhay deegaanka baxarasaafka, kuwaasoo kamid aha Hawlwadeenadii ka shaqeynaayey shirka beesha gobolka Saaxil, uga furmibdoona deegaanka baxarasaafka.

Afartan qof ee laga soo xidhay madasha shirka Baxatasaafka, ayaa ahaa shaqaale ka shaqeynaayey suuliyadda iyo hagaajinta ama qurxinta shirka. Geesta kale, Ciidamo tiro badan ayaa la geeyey goobta shirku inuu ka dhaco loo qoondeeyey, kuwaasoo gaadhka haya Cida timaada ama dhaqdhaqaaq ka sameysaa halkaa.
Si kastaba ha ahaatee, shirka baxasaafka ayaa khilaaf ba’an ka dhex abuuray Xukuumadda tallada haysa Iyo dadk Deegaanka Saaxil kuwaasoo mid waliba dhanaciisa ku adkaysanaaya mawqifkooda. Taasoo sababtay in fikirka qabashada shirkaa loo xidhay dad tiro badan oo ay kamid yihiin sullaadiin, siyaasiyion iyo dad shacab ah, halka dadka deegaanadaasina ay dhigeen mudaharaado waaweyn oo ay kaga soo horjeedan hab dhaqanka xukuumadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here