Ciidanka Booliska JSL gaar ahaan kuwa nabadgaliyada waddooyinka ayaa gacanta ku dhigay gaadhi noociisu yahay VITS, kaas oo maalmihii u danbeeyey muuqaal laga duubay isaga oo si qaldan u isticmaalaya jidka xidhiidhiya Hargeysa iyo Berbera, islamarkaana halis galiyey gaadiidkii wadadaasi marayay.
Ciidanka Taraafikada gobolka Saaxil ayaa sheegay in ay qabteen kaliya gaadhigii, ilaa haddana lagu dabajiro darawalkii gaadhigan, islamarkaana la horgeyn doono hay’adaha garsoorka. Sarkaal u hadlay ciidanka ayaa digniin u direy darawalada gaadiidka.


















