Tababar Ku Saabsan Hoggaaminta iyo Maaraynta Isbeddelka oo Loo Soo Gabagabeeyey Maamuleyaasha Horn Petroleum

0
28
Tababar Ku Saabsan Hoggaaminta iyo Maaraynta Isbeddelka oo Loo Soo Gabagabeeyey Maamuleyaasha Horn Petroleum
Tababar muhiim ah oo diiradda lagu saaray hoggaaminta iyo maaraynta isbeddelka istiraatiijiga ah ayaa si rasmi ah loogu soo gabagabeeyey maamuleyaasha waaxyaha kala duwan ee Horn Petroleum.
Tababarkan oo socday muddo laba maalmood ah, kana qabsoomay xarunta dhexe ee shirkadda, ayaa waxaa bixinayey Sulieman Elmi, oo ah tababare khabiir ku ah maamulka iyo horumarinta shaqaalaha, isla markaana ah La-taliyaha Guud ee Waaxda Cududa Shaqaalaha ee Dahabshiil Group.
Ujeeddada tababarkan ayaa ahayd xoojinta awoodda hoggaamineed ee maamuleyaasha iyo kobcinta fahamkooda ku saabsan sida si hufan loo maareeyo isbeddellada istiraatiijiga ah, si loo gaadho horumar joogto ah iyo waxqabad sare.
Gunaanadkii tababarka, waxaa hadallo dhiirrigelin iyo dardaaran leh ka jeedisay Nabiha Hassan, Agaasimaha Waaxda Cududa Shaqaalaha ee Dahabshiil Group, iyadoo ku boorrisay ka qaybgalayaasha inay aqoonta ay heleen u beddelaan ficil wax ku ool ah oo ka muuqda shaqadooda maalinlaha ah.
Sidoo kale, Maamulaha Horn Petroleum, Mahad Abdi Ali, ayaa si qoto dheer uga hadlay muhiimadda tababarkan, isaga oo xusay in hoggaan tayo leh iyo maarayn isbeddel oo hufan ay yihiin tiirarka ugu muhiimsan ee guusha iyo koboca shirkadda.
Mahad waxa uu carrabka ku adkeeyey in natiijooyinka ka soo baxay tababarkan si degdeg ah loogu rogi doono ficil la taaban karo, si ay uga muuqdaan waxqabadka shaqada loona xaqiijiyo horumar muuqda.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Horn Petroleum ku horumarinayso shaqaalaheeda, si loo dhiso hoggaamiyeyaal awood u leh la jaanqaadidda isbeddellada casriga ah.