Ciidanka Somaliland oo Ku Soo Qulqulaya Buuraleyda Gobolka Saaxil+Maleeshiyadii Dishey Taliyaha Ciidanka oo Isku Urursanaya Bariga Berbera+Saanad Hub ah oo Burco uga timi

0
356

Biyooley(Ceelgardinews) ilaa Maalintii shaley Waxa Gobolka Saaxil ku soo qulqulayey Guutooyin katirsan Ciidamada qaran Somaliland oo Amar lagu soo siiyey soo qabashada Maleeshiyaad hubeysnaa ee la sheegay in ay Dileen Taliyihii Ciidanka booliiska Gobolka Saaxil Gashaanle C.risaaq Caseyr. Ciidamadaasi oo ku gaashaaman Qalabka Ciidanka iyo Gadiid Tiro badan oo gaadhaya ilaa Sodomeeyo Tikniko ah oo ay saaran yihiin Qoryaha Culculus ee Darandooriga u dhaca, waxaana wararka shabakada Ceelgardi ka helayso Degaanka Biyooley iyo Dhibiijo ay Tibaxayaan in Maleeshiyaadkii ay Ciidamada Qaranka ay kale hortageen Iska Caabin Xoogan islamarkaasina ay Ciidamada Somaliland ay dib uga soo baxeen, kadib markii ay Maleeshiyadu ay Ciidanka ku garaceen Hoobiyayaal, islamarkaasina Taliyihii Ciidanka Watey uu Amrey in Dib ay uga Baxaan, si aan Khasaaraha Soo gaadhaya Ciidanka aanu u badan. Sidoo kale waxay ay Xoguhu intaasi ku dareen in Gurmadyo kale Duwan ay Magaalooyinka Burco iyo Berbera uga soo baxayaan Maleeshiyaadka Hubeysan ee ku sugan Buuraha Bariga Berbera,islamarkaasina ay waxa xoguhu ku dareen inay ku qalabeysan yihiin Saanad Milatari oo Xoogan,kuwaas oo Sababi kara in Dagaalku uu qaato Bilo,sidoo kalena uu wiiqo Nabadgalyada iyo Isu socodka Gobolada Dalka. dhinaca kale Waxa iyaguna Jira Warar kale oo Sheegay in Maleeshiyo Beleed ka soo Jeeda Beesha Madaxweynaha Somaliland ee H/Jeclo ay isku Urursanayaan Degaanka Fog ee Bariga Saaxil,kuwaasi oo tiradooda lagu Qiyaasey ilaa 200 Askari, kuna qalabeysan Tiro gaadiid ah oo noocoodu yahay kuwa Sangeerayaasha ah. Isgaadhsiinta ayaa ilaa habeenkii xaley aheyd ka go’an guud ahaan Gobolka Marka laga Reebo Degaanada Bariga Fog ee ay Degaanka Beesha Madaxweyne Silaanyo ay ka shaqeynayso Shirkada Somtel, Wixii warar ah ee ka soo kordha kale soco goor dhaw

 

 

Ceelgardi News

Berbera Office

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here