Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland Oo Berbera Soo Gaadhay +Badhsaab Kuxigeenka Gobolka Saaxil Iyo Taliyihii Degmada Sheekh Oo Xabsiga Loo Taxaabay

0
381

Berbera(Ceelgardinews.com)  Madaxwayne Kuxigeenka Somaliland C/raxmaan Saylici Ayaa Soo gaadhay magaalo xeebeda berbera kadib markii la dilay taliyihii qaybta booliska ee gobolka saaxil Maxamuud Casay m-kuxigeenka Somaliland waxaa socdaalkiisa ku wehelinayey wasiirka arimaha Gudaha Somaliland Cali Warancade iyo sidoo kale ciidan tiro badan oo ka tirsan ciidanka kala duwan ee Somaliland Waxaana kasoo horeeyey waftiga madaxwayne kuxigeenka Somaliland masuuliyiin culus oo ay hogaaminayaan saraakiisa kala duwan ee ciidmada Somaliland Madaxwayne kuxigeenka iyo waftigiisa ayaa kusoo beegmaya iyadoo xabsiga loo taxaabay Badhsaab Kuxigeenka Gobolka Saaxil Xaamud Xuseen Cabdilaahi Iyo Taliyihii Saldhiga Degmada Sheekh Taliye Aamin arinkaasi oo sii kicin kara bulshada ku dhaqan gobolka saaxil marka la eego dadka jeelasha dalka lagu duubay ama lagu guray iyo isku jira Salaadiinta ,Cuqaasha ,Masuuliyiinta Iyo Saraakiisa Amniga Degmada Sheekh Ilaa hada saxaafad wax war ah maysiinin waftigaasi madaxwayne kuxigeenka somliland hoigaaminayo ee soo gaadhay magaalo xeebeda Berbera balse bulshada ayaa ilaa hada isla dhex qaadaysa xadhiga baaxada leh ee lagula kacay maamulka iyo odayaasha berbera Ilaa hadana lama hayo warar xaqiiqo ah oo ka imanaya jiida ay ciidanku ku baxeen ee deeganka biyoolay taasi oo ay sababtay khadka taleefanka oo xayiraad lagu soo rogay ilaa hadana dhaqdhaqaaqa berbera ayaa kooban marka aad eegto dhinaca isu socodka gaadiidka iyo dadkaba Wixii warar ah intaasi dheer kala soco

 

Ceelgardinews.com

Berbera Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here