Daawo: Marnaba Aqbali Mayno In Kooxi Tidhaahdo Qofka Aragtideyda Ka Soo Horjeeda Suuqa Dhexdiisa Ha Lagu Garaaco..” Sheekh Aadan-Siiro

0
315

Hargaysa (Ceelgardinews.com) Sheekh Aadan Siiro oo ka mid ah culimada waa weyn ee Somaliland

waxaa uu khudbadii maanta ee salaada Jimce kaga Hadley dhacdooyin maalmihii ugu danbeeyey ku soo kordhay Somaliland oo ah in saraakiil ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani dhawaacyo ay u geystaan kooxo aan heybtooda la garneen u geystaan

Sheekh Aadan Siiro waxaa uu sheegay in aan la aqbali Karin in kooxo yidhaahdan qofkii naga soo hor jeesada suuqa dhexdiisa ayaanu ku dhex garaaceynaa waxaana uu sheekhu hoosta ka xariiqay in dariiqasi yahay dariiqi bur burka

Xukuumada Somaliland iyo laamaha amaanka waxaa uu sheekh Aadan Siiro ugu baaqay in arintaasi wax ka qabtaan oo cadaalada la hor keeno dadka sidaasi sameynaaya