Somaliland oo ka Qayb Gashay shirka Ururka Dhakhaatiirta Islaamka

0
309

Gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland  Dr.Cabdirisaaq Yuusuf Cabdilaahi ayaa ka warbixiyay Shirwaynaha Caalamiga ah ee Dunida Muslmika oo uu kaga qayb galay magaalada Istaanbuul ee dalka Turkiga.

Shirkan oo socday saddex maalmood ayaa ahaa kulanka guud ee ay iskugu yimaadaan ururada dhakhaatiirta dalalka muslimka ah, waxaana lagaga hadlayay sidii dalalka muslimka ahi ay isku dhaafsan lahaayeen warbixinada caafimaad loona dhamaystiri lahaa gaabka  ka jira xaga caafimaadka.

Waxaa shirkan uu ka qayb galay gudoomiyaha Ururka Dhakhaatiirta Somaliland ka soo qayb galay ergooyin kor udhaafaya 300 (Saddex boqol) oo ergo oo ka kala socday 65 (Shan iyo Lixda) wadan oo ka tirsan dalalka Islaamka.

Waxaana gudoomiyaha hadaladiisii kamid ahaa “Waxaa shirkaasi ka soo baxay qodobo mihiim ah oo ay kamid  yihiin in la sameeyo dalad guud oo ay ku midaysanyihiin ururada caafimaadka dalalka Muslimka ah oo loo bixiyay World Islamic Health Union ururkaasi oo ay xubno ka noqon doonaan ururka dhakhaatiirta Somaliland.

Waxaa sidoo kale lagu dhisay shirkaasi gudi maamul oo ay Somaliland saddex meelood kaga jirto sida gudida latalinta iyo maamulka qaabilsan daraasaadka wax barashada dunida muslimka ah.

Waxaa shirkan marti geliyay Ururka caafimaadka ugu balaadhan  dalka Turkiga ee layidhaa SAGLIK DER” ayuu yidhi gudoomye Dr.Cabdirisaaq Yuusuf.

Waxyaabaha ay shirkan Somaliland ka soo faa’iiday:-

Waxa uu gudoomiyuhu xidhiidh la sameeyay in kabadan labaatan Urur oo ah ururadii ka soo qayb galay shirka, waxaana kamid ahaa ururadaa ururka FIMA  (Federation of Islamic Medical Association ) waana urur ay ku bahoobeen in kabadan 50 kun oo dhakhtar oo ka kooban dunida oo dhan.

Sidoo kale waxa uu xidhiidh kaasi oo kale ah lasameeyay ururka IMANA (Islamic Medical Association of North America).

Ururadan ayuu gudoomiyuhu kala hadlay sidii ay tobobaro caafimaad usiin lahaayeen  dhakhaatiirta kala duwan ee Somaliland ka hawlgala iyo waliba inay xaalada  adag ee caafimaadna gurmad inoogu fidin lahaayeen.

Waxaa uu gudoomiyuhu kulamo la sameeyay wasaarada caafimaadka ee dalka Turkiga oo ay ku soo dhaweeyeen Dr. Mustafe Kamaal iyo Dr Xuseen oo uu kala hadlay sidii wasaarada caafimaadka dalka Turkigu inooga caawin lahaayeen dhanka caaifmaadka oo dalkeenu baahi uqabo iyo sidii ay dadkeena caafimaadka u baxaya ay ugu fududayn lahaayeen adeegyada caafimaad ee ay uga baahn yihiin.

Sidoo kale waxa uu gudoomiyuhu booqday intii uu joogay Dalka Turkiga dhakhaatiir gaar loo leeyahay iyo qaar ay dawladu maamusha kuwaas oo dhamaan samayn kara adeegyada Caafimaad oo uu kujira ilaa daawaynta kansarka, waxaanu gudoomiyuhu sheegay in dadkeenu kaga maarmi karaan safaradii dhaadheeraa ee ay ugu bixi jireen xaga caafimaadka dalka Hindiya. Waxaanu intaasi raaciyay inay doonayaan in dhakhaatiirtaasi ay dhawaan heshiis la saxeexdaan.

Ururka Somaliland Medical Association ayaa ka kooban in kabadan saddex boqol oo xubnood oo kawada shaqeeya dhamaan gobolada Somaliland isuguna jira qaybaha kala duwan ee dhakhaatiirta.

Ururka ayaa adeegyada caafimaad ka bixiya dhakhaatiirta ka hawl gala Somaliland.