Daawo:-Waxaa Sannadkii hal mar ay xusaan dadka u kala dhashay waddamada Chinese iyo Malaysian ee asal ahaa isku jinsiga ah xus ay u sameeyaan dadkoodii dhintay qubuurahana siyaartaan + Sawiro

0
348
USA(Ceelgardinews.com)Xafladan la yidhaahdi Qingming dadka qaarkiina u yaqaan maalinta Sweeping, ayaa la qabtay wiigan horaantiisii hadaba dadka ka soo qayb galay xaflada ayaa qubuuraha Ubax higaayey nadiifinayeyna iyagoo ula niyoonaya dadkoodii dhintay wanaaga ay u samaynayaan bal hadaba daawo sida dadkaasi u siyaaranayaan dadkoodii dhintay qarniyo ka hor, waxay geeyaan cuud fara badan oo ay ku shidaan waraaqo midabo loo soo yeelay lacago meeshana lagu gubo iyo cuntooyin dadka dan yarta ahi qaataan
Dadkii u horeeyey ee qabuuraha taga oo cuud shidaaya ayaa idiin muuqda waxaa iyaguna saf dheer ku jira dadkii ka kala imaanayey dhulka durugsan oo tareenka afkiisii hore lagu kala horaayo si ay nabad gelyo uGu koraan tareenka waxaa kala hagaaya ciidamada nabad gelyada
 
Dadka ayaa ubax dhigii bilaabay waxay shidayaan cuudkii iyagoo raabo raabo isu dhaafaya qubuuraha dadku markay halawsan yihiin waa sidan oo kale haday caaqiido fiican haystaan may is wareeriyeen halkaa laysku mari waayey faraha dadka awgii waa qubuuraha oo qaar nadiifinayaan qaarna cuud shidayaan
Nin ayaa qurxiya qubuuraha oo inta lacag la siiyo qof walba yidhaahdaaa magaciisa iyo sawirkiisa sii hagaaji oo mari rinji cusub kii hore waa duugoobee waxaana uu sannadkaa dadka shaqadaa yaqaanaa ka helaan dhaqaale fara badan ciyaalka ayaa habeenkii marka gabalku dhaco shamac baxaya kor u haya iyagoo safaf ku jira waxayna xafladani sannad walba ka qabsoontaa magaalada Yiwu, ee gobolka Zhejiang .
Dadka jaarka la ah halka xafladu ka dhacayso ayaa iyagu ah kuwo u lugeeya oo aan kaxaysan wax gaadiidd ah sida aad aragtaan waxaa isna xafladan ka faa’iidaysta dadka danyarta ah oo sannadkaa sadaqada la keeno ka istareexa sida aad aragtaan wiilkan yar oo ka dhashay qabiilka Yeh, ayaa ka dhex baadhanaya wax farxad hgeliya alaabta la dhigay halkan
Waxay gubaan waraaqo lacag loo soo ekaysiiyey iyo cuud xabaalaha oo dhan qiiq ayaa cirkaa mara waxaadna moodaysaa in magaaladu gubatay balse waxaa lagu raali gelinaya dadka qubuuraha ku jira .
Waxay maraan dadku maalin ka bacdi socod ay ku maraan dariiqa hareeraha ka mara qubuuraha iyagoo ku lebisan dhar casaana lagana dhaxlay boqorkii asaaska xaflada iska lahaa ee boqortooyadii Emperor Xuan Yuan ee degmada Hangling , ee gobolka Shaanxi , waxa dadka xabaalaha safeeyaa yara dhoobo qaadaan xabaalaha aan dadka lahayn ama dadkoodii beri hore iyana dhamaadeen oo safeeya si is xilqaan ah ama tabruuca.
Dadka qaar ayaa xafladu intaanay dhicin yimaada qaarna markay dhamaato ayay yimaadaan si ay saxmadaa faraha badan uga gabadaan waxii ay samayn lahaayeena sameeya ka hor ama ka dib waxaan intaa ku soo geba gebaynaynaa xaflada booqashada qubuuraha waddanka china iyo Malaysia oo sanadkiiba mar ka dhacda waddanka China
ENG ABDIRAZAK YASSIN MAXAMED

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here