Daawo:-Xanuunka ay keento Kaneecadu ee loo yaqaan Zika virus ayaa ku fidaaya Latin America ama waqooyiga America bal hadaba wax ka baro xanuunkaas+Sawirada

0
365
USA(Ceelgardinews.com)Xanuunka Zika Virus ee ay keento kaneecadu ayaa si xooga uGu fidaya waqooyiga America ama Latinos hadaba cudurkan ay keento kaneecadu ayaa ah mid aan cuslayn ee xanuun yar oo khafiifa waxaana keena nooca kaneecada ee loo yaqaan Aedes aegypti mosquito, hadaba nooca kaneecadan ayaa marka ay qaniinto dumarka uurka leh waxay keentaa in caruurta ay ku dhalato madaxa oo yar oo aan sida jidhka kale koriin samayn waxaana digniin caafimaad dumarka uurka leh looga digay in ay 24 waddan oo xanuunkaasi ka jiro ka feejignaadaan si aanay u qaniinin kaneecadu.
Hooyadan ayaa haysata ilmo yar oo xanuunkaa ku dhashay waxaa dhinaca kale dadaal samaynaya dawlada hoose oo buufinaysa kaneecada iyagoo dadka uga digaya in aanay ku soo dhowaan suntan balse caruur iyo ey ayaa meesha dhex taagan
Muuqaalka kaneecada nooca keena xanuunkaa ayaa idiin muuqda waxaa kale oo aad aragtaan waalidka oo la daalaa dhacaya caruurta ay noloshooda sahayatay kaneecadaasi
Gabadh ayaa hortaagan gurigeeda waddanka Brazil magaalada Beco do Sururu xaafada shanty ee dadka lacagta lihi degan yihiin I can see the place how it looks but don’t ask dhinaca kale dad ayaa xanuunka u jiifa cisbitaalka weyn ee Rosales National Hospital  ee waddanka Salvador waxaana bukaan jiif u ah halkaa 85 qof halka 3 dii qofba mid laga helay xanuunka Zika.
Aabahan ayaa wiiljiisa kula jira cisbitaalka weyn ee Oswaldo Cruz Hospital ee waddanka Barazil  hooyooyinkan ayaa caruurtooda laga helay xanuunka Zaki microcephaly waxayna kula jiraan cisbitaalka Hospital Oswaldo Cruz ee waddanka Brazil
Dumarka uurka leh ayaa waxaa lala socdaa illaa inta ay ka umulayaa si looga difaaco Vires ka keena xanuunka Zaki waxaa isna walaalkii oo ku dhashay xanuunka Zaki haya wiilkaa oo 10 jira waalidkii oo kaga shaqo tegayna ku simay
Kaneecada ayaa ka dhalata biyo fadhiisinada iyo wasakhda faraha badan iyadoo meel walba biyuhu fadhiyaan dadku biyahaa wasakhaysan ku faraxashaan kana cabaan qaarkood sida idiin muuqatana ninkan oo bilaydhkii uu wax ku cunay ag yaalo biyahana u holaday in uu ka cabo
Dawlada ayaa buufinaysa dhulka biyo qabatinka ah iyo huluulaha ay kaneecdu ku gabato iyo weliba dhulka ciyaalka iskuuladu maraan oo aad u wasakhaysan biyaha wasakhda ah ee ka soo dareera guryaha ka talaaba subaxii iyo galabtii
Waxaa si aada loola dagaalamayaa kaneecada oo ah cadowga dadka xanuuno kala jaadana u keenta dadka kaneecada oo ah tii Namruud lagu saliday ayaa ah cayayaan itaal daran balse naftaada galafan karta hadaba nadaafadu waa qayb ka mid ah diinteena ku dadaal wax aanad u arkin wax weyn baa kugu noqon kara dhib aanad ka soo kaban.
ENG ABDIRAXAK YASSIN MAXAMED

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here