Dalku Halis ayuu ku jiraa

0
561

Dalkuba halis ayuu ku jiraa mar haddii xukuumadda, gaar ahaan wasaaraddaha ay khusayso ku baraarugayaan saacado ka hor kulanno aan la sii ogayn cidda qabanaysa, maaalgelisay iyo ujeedada laga leeyahay ba.

Beri dhawayd waxaynu ogayn Somali Stability Fund oo shir Ambassador ay ku qabsan lahayd, laga joojiyay, halka shalayna laga joojiyay Somali Youth Summit, iyada oo lagu amray inay kusoo qoraan Somaliland Youth Summit.

Hay’addaha ay khusaysaa miyaanay ogayn shirka cidda wada (qabanaysa), maalgelisay iyo ujeedada laga leeyahay? Waa sidee baraarugan saacadaha u dambeeya ahi?

Dhanka kale Jaamicadda Hargeysa waa goob aqooneed ee miyay soo mari kari weyday hay’addaha ay khusayso, ka hor inta aan bulshada lagu casuumin?

Sidan wax ha ka bedelaan hay’addaha dawladdu!

Sacad Aareeye

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here