Deg Deg :- Dhegaysiga Dacwadii Khilaaf Xisbiga UCID Oo Iminka Si Toos Ah Uga Bilaabmatey Maxkamada Sare Ee Somaliland .

0
306

Deg Deg :- Dhegaysiga Dacwadii Khilaaf Xisbiga UCID Oo Iminka Si Toos Ah Uga Bilaabmatey Maxkamada Sare Ee Somaliland .

 

vvvvKhilaafkii mudooyinkii ugu danbeeyey ka jiray xisbiga mucaaridka UCID ee labada garab u kala jabiyey ayaa waxaa ay dhegsiga  dacwadiisu hada si toos ah uga bilaabmatey maxkamada sare ee Somaliland taas oo ka garniqi doonta .

Labadan garab ee maanta maxkamada Sare u garniqi doonto ayaa waxaa kala hogaaminaya Gudoomiyaha xisbigaasi Eng Faysal Cali Waraabe iyo garabka kale oo uu hogaaminaayo gudoomiye ku xigeenka saddexad ee xisbigaasi Muj.Cali Guray waxaana max

kada sare u soo gudbiyey oo racfaan  u soo qaatey gudoomiye Faysal oo ka biyo diiday  qodobo kamid ah go,aamo ay hore gudida diwaangalintu uga soo saareen khilaafkan

Khilaafkan xisbiga UCID ee saaka maxkada sare ku jira ayaa waxa ka garniqi doona 11 garsoore  uu hogaaminaayo gudoomiyaha maxkamada Sare Prof Aadan Xaaji Cali , waxaaa uu gudoomiyaha maxkamada sare warbaahinta u sheegay in go,aankoodu  u soo bixi doono sida ugu dhakhsaha badan

Waxaa xusid mudan in ay tahay markii labaad ee maxkada sare ee Somaliland ka garnaqdo khilaaf soo kala dhex galay masuulyiinta xisbiga UCID

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here