War Deg-Deg :- Dooni sadex cisho ka hor ka shiraaqatey Marsada Berbera oo degtey

0
327

Berbera ( Ceelgardinews.com ) :- Doonni lagu magcaabi jirey Al-Axmediya oo saddex habeen ka hor laga

shirqaatey dekedda Magaalada Berbera iyadoo siddey 593 Dibi oo ay leeyihiin ganacsato Reer Somaliland ahi una sii jeeddey dhinaca dekedda Salaala ee Waddanka Cummaan ayaa gelinkii danbe ee xalayto ku degtey meel u dhow Dekedda Salaala ee ay kusii jeeddey.

Doonnidan iyo xoolihii saarnaa ayaa gebi ahaantood baddu liqday sida uu Idaacadda BBC u sheegay Wakiilka Doontaas degtey C/raxmaan Cali Warsame halka shaqaalihii saarnaa laga badbaadiyey.

 

Wararka dheeraadka ah ee kusaabsan doonnidan degtey qaarkood ayaa sheegaya in dabaylo badda ka dhacayey sababeen in doonnidaasi degto halka wararka qaarkoodna sheegayaan in dab qabsaday awgeed ay doonnidaasi u degtey.

Wixii ka soo kordha kala  soco ceelgardinews.com