Deg-deg : Jilaa caan ah oo caawa ku geeriyoodey magaalada Hargeysa .

0
276

Hargeysa ( Ceelgardinews.com ) Alle ha u naxariistee waxaa caawa magaalada Hargeysa ku geeriyodey Jilaagii caanka ahaa ee Boon Xirsi .

Marxuumka ayaa waxaa uu ku geeriyoodey aqalkiisa oo ku yaala magaalada Hargeysa waxaana shabakada Ceelgardinews.com u xaqiijiyey geeridiisa qaar ka mid ah ehelada Marxuumka iyaga oo sidoo kale sheegay in aanu jirin wax xanuun ah oo hayey wakhti xaadirkan .

Majaajileyste Boon Xirsi ayaa waxaa uu ka mid ahaa majaajileytayaashii caanka ka aha deeganada Somalida oo dhan waxaana mudooyinkii ugu danbeeyey ku noola caasimada Somaliland oo hoggiisu ahaa.

Wax ubad ah kamuu dhiman marxuum Boon Xirsi waxaaana uu lahaa xaas Alle naxariistiisa haka waraabiyo .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here