Warbaahinta Dalka Masar oo ka hadashey Kulan balaadhan oo dhex maray Wasaarada Ganacsiga Somaliland iyo Warshadlayda Dalka Masar iyo wasaarada Ganacsiga ee dalkaas .

0
337

Maqaal lagu baahiyey jariiradaha ugu waaweyn dalka masar gaar ahaan jariirada wayn ee youm7.com cadadkeedii soo baxay shalay oo ay taariikhdu ahayd 17-12-2016 ayaa qaadaa dhigtey kulan baladhan oo dhex maray Isutaga Warshadlayda Dalka Masar iyo Wasaarada Ganacsiga Iyo Maalgashiga Caalamiga ah ee Somalilnd wafti ka socda oo uu horkacayo Wasiirka Wasaarada Ganacsiga Mudane Cumar Shucayb Maxamed oo dhawaanahanba safar shaqo ku joogey dalka Masar.

Maqaalka oo aad u dheeraa waxaa uu u dhignaa sidan :-

” Maanta oo sabti ah ( Shalay ) isutaga warshadlayda dalka masar waxay qaabileen wafti balaadhan oo uu horkacayo wasiirka ganacsiga somaliland Dr Cumar Shucayb Maxamed kana socda Dalka Somaliland , si ay xogogaal ugu noqdaan fursadaha Maalgashi ee ka jira gobolka ( Somaliland ) , waxaana watfiga qaabiley DR SHARIIF ALJABALI oo ah madaxa gudida warshadlayda afrika , MAYSA RIFAACI u qaabilsanaha xidhiidhka ganacsi ee ka dhaxeeya dalalka somaliland iyo masar iyo xubno kale oo ka tirsan wasaarada ganacsiga ee dalka masar.

MAYSA RAFIICI wuxuu cadeeyey inuu jiro farqi aad u wayn oo u dhaxeeya Somaliland iyo Somalia , isla markaana Somaliland tahay dal ka madax banaan Somalia horena u ahayd goboladii waqooyi oo laysku odhan jirey Somaliya , haatana ku naaloonayaan xasilooni iyo daganaansho siyaasadeed ka dib markay ka goosteen somaliya inteeda kale 1991. waxaanay xaqa waqooyi xad ka leeyihiin JBOUTI iyo Gacanka Cadmeed , waana qani ku ah xoolaha nool iyo kaluunka , isla markaasna ku wanaagsan in laga sameeyo maalgashiyo waawayn oo ay ugu horeeyaan warshadaha dawooyinku .

Sidoo kale wuxuu MAYSA RAFIICI hadalkiisa ku daray in Somaliland caan ku tahay waxsoo saarka khudrada taas oo uu tilmaamey in Wasaarada Ganacsga ee Dalka Masar ay qabanqaabinayso booqashadeedii u horeysey ee ganacsi taas oo loogu kuur galayo fursadaha maalgashi ee ka banaan Somaliland horena ay uga hirgaliyeen heshiis ah dhoofshasada Geela .

Dhinaca somaliland Gudoomiya Rugta Ganacsiga Maxamed Shukri oo halkaa ka hadley ayaa sheegey in 30% ay dawooyinka ka soo dhoofsadaan masar dawooyinkaas oo ah kuwo ay aad u amaanaan dhamaan dhakhaatiirka ka hawl gala dalku , sidoo kalena ay ka soo dhoofsadaan 70% daqiiqda dalka lagu isticmaalo.

Wuxuu Guddoomiyuhu intaa ku daray inay jiraan fursado balaadhan oo maalgashiyo ah oo ay ugu muhiimsan tahay xoolaha iyo waxsoo saarkoodu , iyadoo ay jiraan buu yidhi qalab cusub oo looga faaidaysan karo dhinacaas maadaama uu wlai ku dhisan yahay in adhiga uun la raaco , ayna jiraan fursado qaaliya oo ka banaan dhanka kaluumaysiga maadaama xidhiidhka ka dhaxeeya somalilada iyo kaluumaysigu uu aad u hooseeyo taas oo ay ugu wacan tahay xoolo dhaqashadu.

Maxamed Saleebaan Agaasimaha waaxda Maalgashiga oo halkaas isna hadal kooban ka soo jeediyey ayaa sheegey in Maalgashayaasha ajnabiga ah laga dhaafo cashuurta sadexda sano ee ugu horeeya maalgashigooda sidoo kalenna sanadaha kusoo xiga oo dhan sadex sano laga qaado 50% , wuxuuna intaas raaciyey in somaliland qani ku tahay Xabagta , haysashada awooda qoraxda oo wax badan ka caawin karta maalgashadayaasha ”

Xigasho Maqaalka http://www.youm7.com , waxaan turjumey Ceelgardinews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here