Deg Deg :- Taliyihii Hore Ee Ciidanka Madaxtooyada Gaashaanle Sare Faysal Kaamil Ciise Oo Geeriyooday

0
281

Hargeysa (Ceelgardinews.com):-  Alle ha u naxariistee waxa goor dhaweyd cusbitaalka magaaladda Hargeysa ku geeriyooday taliyihii hore ee ciidanka Madaxtooyada Gaashaanle sare Faysal Kaamil Ciise oo xaalad caafimaad ugu jiray cusbitaalka maalmihii ugu dambeeyay.

kaamil

Sida uu  Siyaasi Cabdillahi Geeljire ku xaqiijiyay qoraal uu ku faafiyay barta uu ku leeyahay facebook-ga oo u dhignaa sida tan:

Inaa lilaah wa inaa ileyhi raajicuun. Waxa hadda ku geeriyooday Hargeisa Marxuum Col. Faysal Kaamil Ciise. Taliyihii hore ee Ciidanka Ilaalada Madaxtooyada.

Marxuumka oo ayaamahanba xanuusanyay ayaa u guuray Ilaahay raxmadiisa.

Marxuumka oo nin aad u qaaliya ahaa waxaan ehelkiisii iyo asxaabtiisii iyo dhamaan umadda reer Somaliland ka tacsiyadaynaynaa geeridiisa. Waxaan leeyahay Ilaahay samir iyo iimaan ha inaga wada siiyo isagana naxariistii janada ha ka waraabiyo. Aamiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here