Hargeysa ( Ceelgaredinews.com ) Fadhigii ay saaka yeesheen mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland oo uu shir gudoominaayey gudoomiye ku xigeenka golahaasi ayaa waxaa ay cod gacan taag ah u qaadeen kala qaadistii labada doorasho ee madaxtooyada iyo wakiilada ku sameeyey madaxweyne Siilanyo.
Fadhiga saaka oo ay ka soo xadireen 59 muddane ayaa waxaa ogolaadey kala qaadistaasi 52 muddane waxaa diiday 5 xildhibaan gudoomiyuhuna muu codeyn sidaasna waxaa ay xildhibaanadu ku meel mariyeen kala qaadista labada doorasho
Gudoomiye ku xigeenka golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax oo isagu shir gudoominaayey fadhigan saaka oo waraabinta la hadley waxaa uu sheegay in go,aankooda maxkada sare loo gudbin doono isla markaana muddo kordhinta golaha wakiilada loo sameynaayo mudada ay noqon doonto ay go,aan ka gaadhi doonan golaha guurtidu