DEGMADA BERBERI WAY U DARSATAY DEEQSINIMADII IYO SOORYO GOBEEDKII ENG CALI XOOR-XOOR(Qalinkii: Maxamuud Axmed Xirsi Contact: 063-4447924 )

0
337

Cali Xoorxoor waa dugsi Danahiisa gaarka ah Danta guud ka doortoo Isku duubnideeniyo Daacad iyo walaalnimo Deeqsi waaye dihinoo Gacantiisu dabar li’i Duunyada u bixisoo Sooryeyn ku caanoo Dadka nolol la jeceloo Aayaha danbeetiyo Dalka horumarkiisiyo Dadku inay sinaadaan Doonistiisu ay tahay Deeqsinimad iyo gob-soorkuba waa galad Eebbe SWT bixiyo oo qofkuuu doono siiyo, waa haybad iyo hanaan uu Alle dadka ku kala fadilo oo qaarna haynta uu Alle u dhiibay ku dhaganaadaan oo xataa gaadhaan heer aanay Zakadaba ka bixin waa kuwa ay Somalidu u yaqaanaan GACANTII GO’ADAY,

 

halka qaar kalena ay gacantoodu furan tahay oo deeqsinimada iyo sooryeynta darted dadku ku soo majiirtaan dun xariirana loo yaqaan, ragguna intuu is dheerhayay ee lagu kala xushaa waaba inahaas oo geesigu haddaanuu garasho lahayn geedkaa ma gaadho Gobolka Saaxil iyo magaalo xeebeedka Berbera wuxuu gobolada kale dheeraa Eng Cali Cumar Maxamed ( Cali Xoor-Xoor) oo ah shakhsi gacan furnaan iyo Deeqsinimo ku caan ah oo inta badan gayiga Somaliyeed looga yaqaano GACAL SOORE,

martida u soo hooyata magaalada Berbera habeen kumay qadi jirin oo quudintooda isagaa kafaalo qaadi jiray, qof kasta oo wax uga baahdaa si kal furan ayuu u gudoonsiin jiray maan arag cid ka galad sheeganaysa mooyee cid giriifaysa waligay markay noqoto wax bixinta. Xoolaha ummada ee khashnadaha ay u samaysteen masuuliyiinteenu ee ay ku mashquulsan yihiin kaydintooda iyo kala khabayntooda isagu waa Cali’ye ganbo meel ma dhigan oo wali lama sheegin guri iyo gaadhi cusub oo uu xoolaha ummada ka iibsaday isagoo ahaa Maamulkii marsada ay Somaliland quudataba halka qayrkii wasaarad aan dakhli baddanba lahayn ka weelaysteen malaayiin Dollar iyagoo xatooyeysanaaya kharashaadkii loogu tallo galay ku fulinta qorshayaasha wasaarada. Cali Cumar Maxamed wuxuu Alle siiyey Bidix barakaysan isagoo caan ku ahaa markuu ahaa Maareeya Dekeda Berbera taakulaynta dadka masaakiinta ah guud ahaan Gobolka Saaxil ku nool wali lama sheegin Cali oo qof wax waydiistay u diiday dhaqankiisa ayaaba kaw ka tahay wax bixintu,

wuxuu dhaqaalayn jiray goobaha lagu cibaadaysto ee masaajida, wuxuu kaabis iyo kobcinba ku bixin jiray hadba qorshyaasha horumarineed ee Gobolka Saaxil ku soo kordha haday noqoto kor u qaadida adeegyadda caafimaadka, tayada heerka waxbarasho, ka hor taga dhaqanada xun xun iyo gacan qabashada dhalinta ku foogan arimaha bulshada ee Gobolka, Cali wuxuu sabab u yahay gobonimada Gobolka Saaxil qayrkii dheer yahay waayo Cid kasta oo timaada wuu sooryayn jiray isaga oo aan Mansab, Maamuus, Qabiil iyo Qolonimo midna aan u eegayn. Cali waa nin leh sifaha tolmoon ee hogaan horumarineed lagu xusho, Hadday deeq tahay,

Hadday dadnimo tahay iyo hadday dul tahayba, hubaal Cali Xoorxoor waa hayin biyo-madaadshe ah, waa oday beelo-daajiye ah, waa daadiheeye xil-kas ah,

Cali wuxuu ahaa khabiir dubaalad dheer oo yaqaan sida Dadkiisa,Dawladdiisa iyo Deegaankiisaba laysugu wado, Iminka hadaad tagto magaaladii Berbera oo aad dadka ku nool la sheekaysato waxay kuu sheegayaan in Cali Xoor-Xoor la tabay oo kaalintuu ugu jiray bulshaduu caawin jiray ay ku banaanaatay,

dadkii masuuliyiinta kala duwan ahaa ee Gobolka soo booqan jirayna ay adag tahay in la helo Masuul sidii Cali u sooryeeya oo gobonimaduu gobolka caanka ku ahaa sii joogteeya laguna soo xisaabtamo.

Qalinkii: Maxamuud Axmed Xirsi Contact: 063-4447924 Email:Mfigo04@gmail.ocm Facebook: Mahamuud Ahmed Baar-cad