DHALINYARADA BEESHA AXMED XASAN EE G/SAAXIL OO XUKUUMADA S/LAND KU DHALIISHAY XADHIGA BADHSAAB KU XIGEENKII HORE G/SAAXIL XAAMUD XUSEN A/LAAHI.

0
349

Berbera (Ceelgardinews.com) Dhalinyarta Beesha Axmed Xasan ee G/saxil oo xukuumadda ku dhaliishay xadhiga qafaalashadda ah ee ay ku xidhay Gudoomiye kuxigeenkii hore ee Gobolka saxil iyo Xaydhkii tuuladda Dhibiijo iyo cidkasta oo aan denbi cad lagu hayn codsaddayna in sharciga si deg deg ah loo hor keenno. Kulan ay isugu yimaaddeen dhalinyarta iyo aqoonyahanka beesha axmed xasan ee G/saxil ayaa waxay soo saareen qodobadan hoos ku qoran:- •

1. Ugu horayn waxaanu tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qaranka Somaliland ee uu kabaxay Taliyihii qaybta bilayska ee G/saxil, Illaahay (SW) waxaan uga baryayaa inuu janatu fardowsa ka waraabiyo, waa dhab waxa dishay gacan ka xaqdaran, waxaanu ku amaanaynaaa cidkasta oo ka qaybqaadatay soo qabashaddii Dablaydii dishay Taliyaha.

2. Waxaanu halkan ku cadaynaynaa in uu xadhiga loogaystay Gudoomiye kuxigeenkii hore ee G/saxil, haydhkii tuuladda dhibiijo iyo cidkasta oo sifo sharci darro lagu xidhayba uu yahay fidmo abuur ay xukuumaddu ka dhexwaddo beelaha wadda degan Somaliland.

3. Reer Saxil in badan ayey dulqaateen maantanna waxaanu sugaynaaa inta sharciga la horkeennayo ka degdegimayno, waxaanuse xukuumadda ugu baaqaynaa inay si cadaalad ah umadda ugu dhaxayso.

4. Marlabaad waxaanu xukuumadda cod dheer ugu tiraabaynaa xukuumadeey (Nin kujeclaadday ku eed)Tusaalenna waxa noogu fillan xaamud xusseen cabdulaahi, Muuse Biixina waxaanu leenahay waxaad Goday oo gidaar cidlo ah lagu taagay maalintii laxidhay (Hooyo Saado jaamac Aadan iyo Xaamud Xuseen Cabdilaahi) Kulmiyenna maalintaas ayey Reer berbera kala faraxasheen.

12939241_1698609777094532_814825850_n

5. Ugudanbayntii inbadan ayaanu aamusnayn maanta laakiin waxaanu xukuumadda leenahay Aamusnaanta reer Berbera baqdin maaha ee waa lexojeclo nagahaysa dalkan Somaliland iyo wanaag iyo kalgacal nagadhexeeya Beelaha kale ee aanu walalaha nahay, Hadii xukuumaddu si deg deg ah sharciga u horkeeni waydo dadkaasi sifooyinka khaldan xoriyaddoodii looga qaaday waxaanu kaga jawaabi doonaa Go’aan aanay cidina mahadin doonin.

Qore:- Gudidda dhalinyarta Beesha Axmed Xasan G/Saaxil