DHALINYARADA,AQOONYAHANKA IYO WAAYEELKA BEESHA IDARAYS CIISE MUUSE OO SI WADA JIR AH UTAAGEERAY SHIRKA BAXARASAAFKA

0
272

Burco (Ceelgardinews.com) hir maanta oo khamiis ah, uga furmay deegaanka Dubur ee dagmada sheikh aqoonyahanka, dhalinyarada iyo waayeelka beesha idarays ciise, ujeedadiisuna ahayd sidii layskaga kaashan lahaa wax wada qabsiga iyo ahmiyadda ay leedahay isku duubnaantu si guud iyo si gaar ahaaneedba, ayaa ku soo dhamaaday is fahan iyo is af garad qodobadii lagaga wada hadlay.
shirkan oo arimaha lagu soo qaaday ay ka mid ahayd arimaha xaasaasiga ah iyo xaaladaha cakiran ee ka taagan gobalka ee aan wali maaraha loo helin.

13901729_1169006223156784_2029797402_o
Waxaana shirka si buuxda ay dhalinyarada, aqoonyahanka iyo waayeelka beeshu ugu taageereen qabashada shirka baxarasaafka, iyagoo dawladana uga digay cabudhinta iyo cagajuglaynta ay qabsoomida shirka ku waddo, maadaama ay xaq u leedahay beeshu inay danaheeda ka wada tashato, kana wada hadasho marba wixii soo kordha sida beelaha la midka ah.
Waxaana shirku xaq darro iyo cadaalad darro ku tilmaamay magac u kala samaynta shirarka isku nooca ah ee beeluhu qabsadaan.

 

13903250_980033782065548_2743336483592111569_n
Ergada shirka oo isaga kala timi gobalka togdheer, waqooyi galbeed iyo gobalka saaxail magaalo madaxdiisa berbara ayaa falaanqayn dheer waxa ka sooo baxay qodobo ay ka midka yihiin.

1. In la ilaaliyo nabadda lagana fogaado wixii fad-qalalo iyo qas u horseedi kara ummadda.
2. In la xoojiyo isku xidhnaanta beesha iyo iyo xidhiidhka ay la leedahay beelaha walaalaheeeda.
3. In beeshu wixii saami qaybsi kaga maqan beelaha ay walaalaha yihiin iyo dawladaba ay u fadhido.
4. In beeshu ay si mug iyo miisaanba leh uga qayb qaadato qaban qaabada iyo qabashada shirka baxarasaafka .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here