WARARKII U DEMBEEYEY EE DIBAD-BAXYO AY QOWMIYADAHA OROMADA IYO AMXAARRADU U BALLAMEEN MAANTA IYO REYSAL-WASAARAHA ITOOBIYA OO DHUXUL DAMBAS HUWAN KU TILMAAMAY

0
307

Mareegaha wararka ee taageera mucaaradka Itoobiya ayaa degelladooda ku baahiyey xogo laga helay deegaannada Awadey iyo Bedhesa kuwaas oo qeyb ka ah socdaan qul-qulatooyinka ka dhacay kililka [ZONE] Hararghe oo kamid ah ismaamulka qowmiyada Oromiya ee dalkaas oo toddobaadkii hore ay ka bilaabmeen dibadbaxyo ka dhan ah dawladdu. Xogahan ayaa tibaaxay in ay halkaasi ka socdaan is abaabullo ay qowmiyadaasi ugu diyaar garoobayaan banaanbaxyo laxaad leh oo ay iclaamiyeen in ay maanta oo Sabti ah ama Berri Axad ku muujiyaan tabashooyinka ay ka tirsanayaan Dawladda federaalka Itoobiya oo ay sheegeen in xukuumaddu ka dhegto adaygtay in ay cabashadooda.

gonderdemo2-225x300

Diyaar garawgan oo ku soo beegmay xilli uu saamayn iyo hadal hayn reebay dibad bixii Axaddii toddbaadkii hore gilgilay magaallada Gondher ee dalkaas ayaa wararka kasoo baxaya aagaasi tibaaxayaan in dadku ay dalbadeen in ay xukuumaddu cadaadiska ka dul qaado shacbiga qawmiyada Oromada isla markaana ay xasbiga Wolqeyta ka sii deyso maxaabiista ku jira. Dhinaca kale Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalign ayaa ku dhawaaqay in ay dawladdiisu waajihi doonto isla markaana ay gacan bir ah kaga shaqayn doonto dibadbaxyadaas oo uu ku tilmaamay in ay yihiin kuwo dhuxul dambas leh huwan. Reysal Wasaare Haile Mariam waxaa uu sheegay in dalkiisu galay dagaallo qowmiyadeed oo ka baxsan tabashooyinka ay ku doodayaan dadka banaan baxayaa. Haile Mariam Desalign waxaa uu uga digay qowmiyadaha Amxaarrada iyo Oromada in aanay dheg jalaq u siin baaqyada shucuurtooda kicinaya ee kasoo yeedhaya mucaaridka dalkaas. Waxaanu uga digay in laga dhego adagygo awaamiirta dawladda ciddii u hoggaansami weydana ay masuul ka noqon doonto wixii ku dhaca. Dibadbaxan loo ballansan yahay ayaa qabanqaabadiisa laga dareemayaa goobo kamid ah deegaammada Oromiya iyo gobolka Amxaarada kuwaas oo isu diyaarinaya in ay Sabtida maanta ama Axadda Berri mar kale isu soo baxaan hase ahaatee lama hubo in ay kale laga qabanqaabinayo goobo ka mid ah Oromiya iyo gobolka Axmaarada Sabtida ama Axada, balse lama hubo in ay dadku u hoggaansami doonaan.