DIRAWALKII WADAY GAADHIGA MADAXWEYNE KU-XIGEENKA PUNTLAND OO SOMALILAND LA SOO GALAY

0
287

Putlaan(Ceelgardinews.com)  Wararka aanu ka helayno Degmada Widh-widh ayaa sheegaya in Baabuurkii gaarka u ahaa Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland Cabdixakiin cabdulaahi Cumar (Camey) oo la soo Afduubay la keenay Magaaladaasi isla markana ay gacanta ku hayaan Ciidamada Qaranka Somaliland.

madaxweyne-xigeenka-puntland

Baabuurkan oo ah nooca qaaliga ah ayaa la sheegay in uu soo afduubay Dirawalkii Baabuurkasi u waday

madaxweyne Ku-xigeenka isla markana uu la soo galay Somaliland.

Sababta uu Baabuurka u soo afduubay dirawalku ayaa la sheegay in ay tahay ka dib markii uu sheegay in muddo 8 billood ah aanu wax mushar ah la siin.

Somaliland ayaan wali ka hadal baabuurkaasi laga soo afduubay Puntland ee Somaliland la la soo galay.