Duluc & Duur-xul ====Qalinkii Siyaasi Sacad Balaki

0
387

Duluc & Duur-xul ====
● maalin maalmaha kamida ayaa waxa masaajid laga yaboohiyay yabooh masaajid kale oo la dhisaayo markaa dadkii masaajidka ku tukanaayay ayaa loo bandhigay yaboohdii waxaa layidhi waar yaa ilaahay dartii masaajidkaa la dhisaayo wax ugu darsanaaya? Oo yaanu u ducaynaa oo neef geela bixinaaya? dabeedna nin baa gacanta taagay oo yidhi aniga ” markii yaboohdii geela lasoo dhaafay ayaa layidhi waar yaanu u ducaynaa oo laba neef oo lo’a ku yaboohay?
hadana ninkii markii hore awrka bixiyay ayaa gacanta taagay oo yidhi aniga:”

●hadana markii lo’adii lasoo dhaafay ayaa layidhi waar yaanu u ducaynaa oo toban iddo ah bixinaaya? hadana isla ninkii ayaa gacanta taagay oo yidhi aniga ” hadana markii idihii lasoo dhaafay ayaa layidhi waar yaanu u ducaynaa oo shan riyo ah bixinaaya? hadana isla ninkii ayaa gacanta taagay oo yidhi aniga ” ninkii ayaa bahal duco ah lagu miisay ” dabeedna markii hawshii yaboohdu dhamaatay ayaa ninkii lagu yidhi waanu kuu ducaynaye xoolihii keen”

! Dabeedna wuxuu yidhi oo maxaan keenaa ma xoolaan hayaa caydh jibootay ayaan ahaayoo aamiinta faraha badan ayuun baan doonayaye ● amankaaga ”

imika waxaan uga socdaa qoladii kulmiye ee berigii ololaha odhan jirtay biyo xidheeno ayaanu dalka u samaynaynaa oo beeraha iyo waxsoosaarka ayaanu hormarinaynaa ee odhan jiray dhalinyarada faraha ayaa idin bixi doona sidaa u shaqaynaysaan” waxoodii biyo col dhaanshay noqdeenoo waakuwan biyihii togdheer ka tegay boosaaso ayay galeen oo hormarin iyo waxsoosaar beereed lagama hayo oo dhalinyaradii waatan suuqa moobilada dadka kagala cararaysee ” nimanku ma kursi doon jibooday ayay ahaayeen? ——-

sheekadan waxaan kasoo naqliyay sheekh Ciidii ka qudbadaynaayay masaajid kamida masaajidada sheegi maayee:” inkastoo aanu sheekhu sidaan anigu u dhigay aanu u wadin ” Digo iyo Dambas ” lasoco qormooyinka dambe
-waa diyaarintii Sacad Cali Kaahin Balaaki

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here