Saaxil ( Ceelgardinews.com ) :- Maareeye Xigeenka Haamaha Kaydka Shidaalka Qarranka Mudane Cafaan Xaamud Cabdoo oo Hambalyo u direy dhamaan ummada islaamka gaar ahaaan shacbiga Soomaaliland , wuxuu sidoo kale hambalyo u direy Madaxweynaha Qarranka Soomaaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi , Ku xigeenka Mudane Cabdiraxman saylici iyo xaasaskooda , Ciidamada kala duwan ee Qarranka iyo Xaasaskooda.
Wuxuu Maareye Xigeenku sidoo kale hambalyo balaadhan u direy dhamaan shaqaale waynaha Haamaha kaydka shidaalka qarranka iyo xaasaskooda oo uu u rajeeyey inay farxad ku ciidaan Allena sw ka aqbalo acmaasha saalixaadka ah ee ay soo qabanayeen .
Wuxuu Alle sw uga baryey in waddanka nabada iyo barwaaqada uu ku sugan yahay usii siyaadiyo gaadhsiiyana Ictiraaf balaadhan .
Allaa Mahad leh