GABAYGA QUMAATI WUXU SOO BAXAY 09.DEC.2016 WAXAA CURIYAY ABWAAN XIIS MAXAMED CILMI ( SHANFOOL )

0
385

QUMAATI
GABAYGA QUMAATI WUXU SOO BAXAY 09.DEC.2016
WAXAA CURIYAY ABWAAN XIIS MAXAMED CILMI ( SHANFOOL )
WUXUU KA HADLAYAA QAABKA REERNIMADA AH EE SHACBIGU WAX KU DOORTAAN IYO NATIIJADA KA DHALATA.
WUXUU KALOO UU WAANINAYAA IN MAAMULADU NOQDAAN QAAR DAACADNIMO UGU SHAQEEYAAN SHACBIGA AY U ADEEGAYAAN.
HADABA GABAYGAN QUMAATI OO DHINACYO BADAN TAABANAYA AAN IDIIN KALA BAXO.
WAXAANU KU BILAABAY SIDAN HOOS KU QORAN.

WUXU YIDHI :-

Qorshe yahan hogaan qiimo badan neceb qabiilaysi.
Quruun ruux xukumi kara wax garad qolona aan sheegan.
Qoon nimaan lahayn oo sifaha qaab leh madaxweyne.
Qof cadaaliyaa loo xushaa qoom ha maamulo’e.
Qasrigoo mid daacada noqdaa lagu qaboobaaye.
Qiyaas ugu codee yaad hadhow qoomamo u dhimane.
Qiirada haddaad reer jaceyl qaanta ugu dhiibto.
Qas wadiyo midaan samo falayn xil ugu qaashaarto.
Qayb-baad dambiga leedahiyo wuxu qalooc keeno.
Qofnimada ku maamuus kursiga qaafil haw dirane.
Afartaasi waa sidan qabeen qurux u haystaaye.
Afar kalena aan ugu qastiyo faalo qalinkayga.
Qamaamuurta nimankan u sharaxan sare in loo qaado.
Qudbadaha wanaagbay dhamaan soo qadimayaane.
Qawlkiyo haddaad waxay dhuraan ugu qushuucayso.
Qatanida intay wada yihiin ways qor qorayaane.
Qormo wacan ayaantaad furtana qaar xunbaa jira’e.
Inta aanad qool madaxa gelin qudh ugu sii fiirso.

Qabqabsiga dhacaayee durtaba qudhunku hooseeyo.
Qilaafkani horseed wuxu u yahay quud wax kala boobe.
Qaynuunki waa laga tegiyo xeerki qaban laaye.
Qiraalkana waxaa kuugu filan qadafyadaan sheegay.
Qoraxdii dhacdaba sow ma jiro qalad mid loo geystay.

Qabka muuse quudhsiga jamaal qoonsashada faysal.
Qoslaayaha cirroo wax u qarsoon aan qof garanaynin.
Guurtidan qadhaabkiyo ku mamay Qarash in loo dhiibo.
Wakiilada qurbaankiyo halkii quud ku jiro raacsan.
Qaadiga qarsoorkee sharciga kala qarqooshaaya.
Qaribka iyo laaluushkan baas quruski shaasheeye.
Qasnadahan la leexshiyo hantida jeebka lagu qaatay.
Qarankeena ceeb-buu ku yahay qaashku sigadoowe.
Quluub xumadu waa nabar dadkoo kala qaloodaaye.
Qiyam lagu socdiyo daacaday wax ay qabsoomaane.
Qumaatiga shacbiga ugu adeeg yay kusoo qabane.
Qani nabadu weeyee adigu qoriga haw dhiibin.
Qanci oo dadweynaha mid noqo qaata taladiisa.
Qayrkii ha dhaafee dalkuna yuu qiblada seegin.
Qocondhada ka jira dowladnimo yay qadiyad waayin.
Qooto qootadoo kale bulshada qaybo ka ilaali.
Qaayaha midnimadeena guud Qoon halaga dhawro.

DHAMAAD
BY XIIS MAXAMED CILMI ( SHANFOOL )
BERBERA SOMALILAND