Golaha Wakiillada Somaliland Oo Aqlabiyad Ku Ansixiyay Wasiirka Ganacsiga iyo Maalgashiga

0
327

Kalfadhi  balaadhan oo ay yeesheen Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland  ayaa  waxa ay si  aqlabiyada u ansixiyeen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL Mudane  Dr. Cumar  Shucayb Maxamed .

Kalfadhiga Ansaxinta Wasiirka oo ay kasoo qaybgaleen mudanayaal tiradoodu gaadhaysa 43 Mudane , 41 kamida  Waa ay ansixiyeen , 1 mudane  muu codeyn, gudoomiyhuna  waa uu ka aamusay.

Dr. Cumar Shucayb Mohahamed  ayaa mudadii koobneyd ee uu ahaa Wasiirka Ganacsiga kusoo kordhiyay horumar balaadhan , iyada oo uu Maalmo kahor  Wasiirku ku qaabilay xafiiskiisa Shirkad  laga leeyahay Dalka China oo loo yaqaanno CHMC (China National Heavy Machinery  Corporation)  , ay kawada hadleen  heshiis maalgashi balaadhan oo ay kusamayn

 

doonto dalka meelaha ay kamidka yihin Wadada isku xiddha Berbera iyo Ethiopia , iyo sidoo  kale dib u kicinta  Warshada sibidhka.

Shirkan ayaa uu Wasiirku sheegay inay dhawaan kala saxeexan doonaan heshiis is afgarad  oo dhex mara Wasaaradda Ganacsiga  iyo Shirkadda CHMC.

Mashruucan ayaa hadii uu guuleysto lafilayaa inuu noqdo kii labaad ee ugu waynaa ee ay Dawladda Somaliland lagasho  Shirkad caalamiya wakhti sannad kaliya gudihiis ah

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here