GO’AAMO KA SOO BAXAY SHIR U QUUS-GOOYEY SHAKHSIYAADKII LUMIYEY XUBINNIMADA KULMIYE OO XALAY AY FULINTA XISBIGU YEESHEEN IYO 5 MAGAC OO XASAANNADOODA QALIN CAS LA MARIYEY

0
263

Hargaysa (Ceelgarinews.com) Guddida Fulinta ee Xisbiga KULMIYE ayaa  xalay cawayskii shir ay ku yeesheen magaallada hargeysa waxaa ay ku badhitaareen isla markaana ku ansaxiyeen go’aankii uu hore guddoomiyaha xisbigu  uga soo saaray xubnihii  iyagu lumiyey xasaannadii xisbiga. Sida lagu sheegay War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka Xisbiga KULMIYe Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), Shir xalay cawayskii ay isugu yimaadeen badiba aqlabiyada xisbiga KULMIYE ayaa lagaga soo saaray go’aan  laba qoddob ka kooban oo kala khuseeya shati xubnood ee dhawaan xisbigu sheegay in ay lumiyeen xubinnimadoodii iyo qoddobka kale oo isaguna eedaynaya guddoomiye kuxiggeennada 2aad iyo 3aad oo iyagu digniin hore qabay. Warsaxaafadadeedkaas oo nuqul kamid ahi soo gaadhay wargeyska HUBAAL waxaa uu  u dhignaa sidan: “  Ujeedo: Go’aanka Guddida Fulinta  ee Xisbiga KULMIYE.

Shir ay yeesheen Guddida Fulinta ee xisbiga KULMIYE oo ka dhacay xarunta xisbiga KULMIYE caawa [xalay] oo ay bishu tahay April 2, 2016, dood iyo falanqayn kadib, Guddida Fulintu waxa uu isku raacay qodobbadda soo socda:

  1. Waxa la ansixiyey go’aankii hore uu Guddoomiyaha xisbigu uga soo saaray shantii xubnood ee caddaynayey sababaha ay ku lumiyeen xilalkii kala duwanaa iyo xubinimadii ay ka hayeen xisbiga KULMIYE kadib markii ay wadahadal toos ah la fureen axsaabta mucaaradka ah. Xubnahaasi waxay kala yihiin:

–               Dr. Cabdi Aw Daahir Cali

–               Cabdirisaaq Khaliif Axmed

–               Xusseen Axmed Caydiid

–               Faarax Cilmi Geedoole

–               Cali Cabdi Saa’iq

2. Waxa kale oo Guddoomiyaha xisbigu soo hordhigay shirka Guddida Fulinta eedayn ka dhan ah Guddoomiye-ku-xigeenka 2-aad ee xisbiga Maxamed Xaaji Yusuf Waabeeye iyo Guddoomiye-ku-xigeenka 3-aad ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Talyanle, isla markaana ah labaduba xildhibaano ka tirsan Golaha Wakiilada JSL. Dacwadoodaa waxa soo darsaya xubnaha Guddida Fulinta, waxaanna loo ballamay in go’aan laga gaadho shirka dambe ee Guddida Fulintu isugu iman doonto” ayuaa lagu yidhi warsaxaafadeedka ka soo baxay xafiiska afhayeenka KULMIYE