Kalfadhi balaadhan oo ay yeesheen Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxa ay si aqlabiyada u ansixiyeen Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Maalgashiga JSL Mudane Dr. Cumar Shucayb Maxamed .
Kalfadhiga Ansaxinta Wasiirka oo ay kasoo qaybgaleen mudanayaal tiradoodu gaadhaysa 43 Mudane , 41 kamida Waa ay ansixiyeen , 1 mudane muu codeyn, gudoomiyhuna waa uu ka aamusay.
Dr. Cumar Shucayb Mohahamed ayaa mudadii koobneyd ee uu ahaa Wasiirka Ganacsiga kusoo kordhiyay horumar balaadhan , iyada oo uu Maalmo kahor Wasiirku ku qaabilay xafiiskiisa Shirkad laga leeyahay Dalka China oo loo yaqaanno CHMC (China National Heavy Machinery Corporation) , ay kawada hadleen heshiis maalgashi balaadhan oo ay kusamayn
doonto dalka meelaha ay kamidka yihin Wadada isku xiddha Berbera iyo Ethiopia , iyo sidoo kale dib u kicinta Warshada sibidhka.
Shirkan ayaa uu Wasiirku sheegay inay dhawaan kala saxeexan doonaan heshiis is afgarad oo dhex mara Wasaaradda Ganacsiga iyo Shirkadda CHMC.
Mashruucan ayaa hadii uu guuleysto lafilayaa inuu noqdo kii labaad ee ugu waynaa ee ay Dawladda Somaliland lagasho Shirkad caalamiya wakhti sannad kaliya gudihiis ah