Guddomiye Cirro Iyo Waftigiisi Oo Gaadhay Degaanada Raari Buul

0
338

Berbera (Ceelgardinews.com) Guddoomiye Cirro waxa uu noqday mas’uulkii ugu horreeyey oo ka socda Somaliland oo gaadha magaalada Raari Buul iyo deegaanada hoos yimaada oo 190Km dhinaca bari ka xigta Berbera.
Reer Raari Buul waxa ay sheegeen in aanay weligood arag mas’uul ka socda dawladda Somaliland oo u yimaada, iskaba daa mid wax u qabanayabee, waxa ay muujiyeen baahiyaha kala duwan ee ay qabaan oo dawladnimadu ugu horreyso, adeegyo caafimaad, waxbarasho iyo weliba ceelal biyood.

Sidaas oo ay tahay hadana xisbiga Waddani, waxa ay u soo dhaweeyeen nidaam ka duwan sida deegaanada kale ee aanu marnay, waxa ay muujiyeen oo ay noo sheegeen in xisbiga Waddani yahay kii ay kaga raysan lahaayeen xisbiga Kulmiye iyo dawlad la’aanta.
Guddoomiyahooda Cirro-na,waxa uu laabta ku qortay baahiyaha iyo cabashooyinka ay u soo gudbiyeen si wax loogga qabto billo yar ka dib guusha doorashada soo socota!!.
Fiiro-gaar:- Muuqaalo ayaan idiin soo gudbinayaa xaalkan ku saabsan.
Ha socoto, oo ha samaato Somaliland

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here